Tafsiir Mudo ka Socday Musaajidka Sheekh Nuur Oo Caawa lagu Soo Gunaanaday ee Magaalada Hargeysa + SAWIRRO

0
904

Hargeysa, (HargeisaPress) —Tafsiir Socday Mudo dhan sanad iyo Afar Bilood ayaa Waxaa caawa lagu soo gunaanaday Musaajidka Sheekh Nuur oo ku yaala Bariga Hargeysa  gaar ahaana ee xaafada New Hargeysa.

 

Gunaanadkan Casharkan Tafsiirka ah ayaa waxaa ka soo qayb galey Culimo udiin,Cuqaal,Aqoonyahano iyo dadweyne kale .

tafiis 2

 

Furitaankii Munaasibadan ayaa waxaa ka Hadley sheekhii Tafsiirkii marinjiray  Axmed Macalin Cabdilaahi waxaanu ku dheeraaday qiimaha ay leedahay in diinta la barto yar iyo weynba isagoo xusay in ay Musaajidkan ka aflaxeen Culimo badani isla markaana ay hadana ka socdaan musaajidka casharo diini ahi.

 

Gudoomiyaha Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabinta Xusaska iyo Xafladaha Diiniga (Jimciyatul Axbaab)Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi  Waxaanu ugu Horeyn Bogaadiyey Culimada kala duwan ee dhamaysatay casharkan Tafsiirka ah ee socday mudada Sanadka iyo badh ka ah.

2333bcd3-071b-4f13-8763-86c7bbe80a7d

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi   Waxaa si qoto dheer uu ugu Hadley Qiimaha Waxbarashada Diinta,iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la barto caruurtana lagu barbaariyo diinta islaamka.

 

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi  waxaa uu Xukuumada Somaliland ka codsaday Dhaqan Galinta Mad-Habkii  Diiniga ahaa Ee Dalka Ee Shaafciya Iyo Caqiidadii saxda ahayd ee Dalka Ee Soo Jireenka Hayd. Si Looga Badbaado Xagjirno diineed.

 

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi   waxaa uu balanqaaday in uu wax ka qabashada wixii looga Baahdo Jimciyada ee la xidhiidha Waxbarashada Diinta maadaama oo ay Musaajidka arday badan ka barato duruus badan oo diinya lana sii laban-laabidoono.

taf 4

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi   waxaa uu Bahda Warbaahinta ka codsaday in ay dar-dargaliyaan Baahinta Casharada diiniga ah ee ka socda Musaajidada isla markaana ay qaybtooda ka qaataan

Sidoo kale Waxaa Halkaasi hadalo dar-daaran iyo Ducoba ah ka jeediyey Culimo u diin ay ka mid yihiin

Sh.Axmed Caabi Cabdi

Sh.Axmed Dhimbiil

Pro.Axmed Cabdi Dacar

Sh.Ibaraahin Yuusuf guuleed

Sh, ibraahim Diiriye Bilaal

Dhamaan Culimadaasi ayaa Bulshada reer Somaliland Ugu Duceeyey Bash-Bash iyo Badhaadhe waara  iyagoo ilaahay uga rajeeyey in uu cirka raxmaad ka siiyo ,Abaarahana ka soo jabiy.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here