Taariikhdu waa marag waxay maanta joogtana idinkaa u markhaatiya .

0
1343
Ahmedyasin Sh Cumar Sh Ahmed

Mararka qaarkood waan riyoodaa anigoo aaminsan in ay tahay jidka kaliya ee iifura  ama waxa kaliya ee aan qaban karo,wadankeena noloshiisu waa qayb fikirkeena ka mid ah oo aan gaar looga saari karin , suurtagalna ma aha in uu isbeddelo hadii aynaan innagu fikirkeena wax ka baddalin.

Noloshu ma aha dhibaato in la xaliyo u baahan balse waa xaqiiqo in la waayo qaato u baahan waayo habeenkiyo maalinta isbadalaya dheef iyo dhiba wuu wataa,qoraalkaygu maanta waa garnaqsi oo maaha qiiro shakhsi balse waxaan hubsanayaa in dadkeena damiirkoodu sii noolyahay iyo inkale .

Goaan degdeg ah ha qaadanina oo ahmedyasin waa telesom ha igu afduubina ee bal gaalka dil gartiisana sii,jacaylka iyo nacaybka degdeg ahina waa cilmi nafsi ee dib udhigta bal maanta garnaqsigan  iga dhagaysta .

Somaliland marxalada abaareed ee aynu ku jirnay ayaa sidoo kale suuqiina sixirkii cirka galay lacagtii slsh ahayd ayaad qiima dhacday isbadalkaasi wuxuu ku keenay dhaqaalihii wadanka hoos u dhac xaaladani waxay dawladu gashay shir ay ku kulmeen wasiiradii somaliland  ayaan go aan saacada qaatay kasoo saareen warbixin argagax kale oo ahayd zaadka in la joojiyo 48 saacadood gudahood goaankaasi wax xikmad ah oo uu ku fadhiyay ma jiro “waa maxay ku nuugtaa amase ka nuugtaa” talow wasiiradu ma dan qaranbay ka eegeen mise cilmi dhagoolbay ku keenan qodobkan .

Cilmiga dhaqaaluhu wuxuu sixir bararka ku xaliyaa nidaam ku haboon oo cilmiyaysan balse somaliland dhaqaalaheeda iyo waaqicu wuu kala koray waxaana masuuliyiintii iyo aqoonyahankuba laga waayay silsiladan kala jihada marsan sidii loogu salayn lahaa cilmiga dhaqaalaha ,marxaladan waxaa dajiya bangiga dawlada oo hogaanka u hayn kara hagida dhaqaalaha,waxay dawladu ahayd inay daraasad ku samayso awooda wax iibsiga (purchasing power) oo u sahlaysa in muwaadinku helo badeecad jaban oo jeebkiisa wixii ku jira u goynayso (consumer price index)  (when the price level of goods and rises, the value of currency reduces). Qiima dhaca currency wadanka waxaa sababaha ugu wayn kow ka ah kor u kaca badeecadaha

In dawladu ka shaqayso sidii ganacsatada uga dhigi lahayd dhigaal lacageed oo hadhawna bangigu uga faaidaysan karo fursado shaqo.

Maadaama bangigii dhexe siyaasadii uu raaci lahaa uu 20 sano uu ku jiray in gacmaha ka laabto maanta inuu la baraarugo wareegto dabargoyn iyo sas ku keenta shirkadaha cashuurta laga qaado ee sharciga dalkan u hogaansan horumarkeedana ka qayb qaatay may ahayn.

Barnaamijkii bacaha ee deeganka halaga sifeeyo la yidhi ayaa muddo la siiyay mise waaba lacag bangiyo shirkado yaala oo 48 hrs soo gababeeya la yidhi .

Ujeedada muwaadiniintu waxay markasta ka dhex sawirayaan in lacagtii dollarka ahayd mesha laga saaro waa run laakiin isweydii ma maanta iyo saskan ayaa hadana xal ah , waa in case study laga dhigo oo lagu faafiyo dhamaan jaamacadaha dalka warbixin cilmiyaysana halaga soo saaro.

Ma sicir barar baa jira mise qiimo dhac shilling somaliland?.

Lacagta isticmaalkeeda waxaa ka muhiimsan maxay kuu goynaysaa waa arin u baahan in dadku kala fahman.Go’aamada xakuumada somaliland waxa ka muuqata degdeg iyo tashi la,aan.waa in garashadu shaqeysaa ee aanay godobtu shaqeyn.waxa kaloo shacbigu sas ka qaaday ama dareen ka muujiyay in dib loogu celinayo qaabkii adkaa ee lacagta la isku gudbin jiray.Zaad waxa uu qayb ka yahay nolosha dadka danyarta ah ee ku nool miyi  iyo magaalaba.waxan ku talinayaa in xakuumadu dib u eegto go,aamadaa oo aanay isticmaalin xoog ama wax bulshada kala qaybin kara.shaki kuma jiro in aynu wada hoos joogno xakuumada somaliland lakiin waxa shaki ku jiraa sida ay u dhaqmeyso.

waxaan rajeynayaa in is fahan laga gaadhi doonaa khilaafka zaadka service iyo xakuumada somaliland Shariikaddaha Telesom, Dahabshiil iyo Oomaar waxaa ku hoos malaayin muwaadiniin waa goobaha shaqo abuurka shaqo abuurrayaal shaqaalaysiiya ardeyda jaamacaddaha dalka ka soo aflaxda. Waxa ay bixiyaan adeeg dhaqaaale oo wax weyn ka tara horumarka waddanka.

Waa in wanaag qunyar socod ah iyo miyir qab aynnu caqabaddaha dalka ee dhaqaalaha, amniga iyo kuwa siyaasadda aynnu ku waajahno.

W/Qoray: Ahmedyasin Sh Cumar Sh Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here