Hargeysa (Hargeisa Press)- Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa waxaa uu fariin qaylo dhaan ah u diray taageeraya xisbiga Waddani.
Xoghayaha oo warbaahinta la hadlay, ayaa waxaa kale oo uu fariin u diray Wasiirrada xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, gaar ahaan Wasiirrada wasaaradaha arrimaha Gudaha iyo Xannaanada Xoolaha.
Waxaanu xoghayuhu sheegay in Wasiir Maxamed Kaahin iyo Wasiir Siciid Sulub laga rabo wuxuu ugu yeedhay “Odaynimo.
“Maxamed Kaahin iyo Siciid Sulub odaynimo ayaa laga raba, Burco maanta way midaysan tahay oo is shiidi mayso ee idinku ha is shiidina..” Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Md Khadar Xuseen Cabdi