Taageerada Madaxweynaha: Horumarka Gobolka Saaxil iyo Somaliland W/Qoray Ismaaciil Cali Axmed

0
402

Dadka Gobolka Saaxil waxaan leeyahay, ha la is garab taago Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ha lagu kaalmeeyo dadaalka uu ugu jiro horumarka guud ee dalka, gaar ahaan Gobolka Saaxil. Waa in la garab istaago madaxweynaha si uu u hirgeliyo ballanqaadyadii uu sameeyey intii uu ololaha ku jiray, loona fududeeyo waxqabadkiisa horumarineed.

Gobolka Saaxil waa mid ka mid ah gobollada ugu muhiimsan Somaliland, haybtiisuna waa mid mideysan. Waxa gobolku ka helo xukuumadda waa wax wada gaadha shacabka oo dhan. Muddo dheer kadib, markii ugu horreysay tan iyo Alle ha u naxariistee Madaxweyne Cigaal, maanta waxa Somaliland hogaaminaya Madaxweyne ka soo jeeda Gobolka Saaxil. Waa fursad dahabi ah oo aan la lumin karin, waxaana habboon in la garab istaago horumarka uu la damacsan yahay gobolka iyo guud ahaan dalka.

Dadka maanta ka hor yimaada xukuumadda cusub ee 100 maalmood keliya shaqeysay, waa in ay dib u milicsadaan duruufihii la soo maray iyo fursadaha hadda la helay. Waxa aan kula talinayaa in aynu isku duubnaano, oo aynaan dheg jalaq u siinin hadallo iyo durbaano aan dan inoo ahayn. Xukuumaddii hore, reer Saaxil si hagar la’aan ah ayay u taageereen, inkasta oo ay dareemayeen in saami-qaybsiga maamulka iyo dhaqaalaha aanay si buuxda uga muuqan. Maanta se waxa la helay hoggaan gobolku leeyahay, waana in la isku duubnaado si looga faa’iidaysto fursaddan.
Gunaanad:

Soo dhoweynta Madaxweynaha waa astaan muujinaysa dareenka muwaadiniinta ee ay ku taageerayaan qarankooda. Waa in aynu gacmaha is qabsanno oo aynu horumarka la jaanqaadno. Madaxweyne Cirro waa hoggaamiye maanta inoo jooga, waana in aan garab istaagno si uu u hirgeliyo horumarka uu u qorsheeyay Somaliland iyo Gobolka Saaxil.

W/Qoray Ismaaciil Cali Axmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here