Suuqyada sarifka lacagaha ee Somaliland oo maanta hoos u dhac sameeyay

0
1227

Hargeysa (Hargeisa Press)- Suuqyada sarifka lacagaha ee Somaliland, ayaa maanta sameeyey hoos u dhac dhan 3.85%, taas oo ah isbeddel muuqda oo si degdeg ah u dhacay hal maalin gudaheed.

Arrintan, ayaa ka dhalatay xaaladda isbebelka siyaasadeed ee ay Somaliland gashay, kadib markii Madaxweynaha xilka ka sii degaya Muuse Biixi Cabdi uu si rasmi ah u aqbalay natiijada hordhaca ah ee doorashada madaxtinimada Somaliland, oo maalinimadii Salaasadii si rasmi ah loogu dhawaaqay.

Ka hor doorashada, qiimaha $100, ayaa lagu sarifayey 1,150,000 SLSH, taas oo ahayd halkii ugu sarreysay abid ee uu gaadho sarifka Somaliland (ALTH).

Maanta, sarifka, ayaa hoos ugu soo dhacay 1,000,000 SLSH, taas oo ka dhigan hoos u dhac dhan 15% muddo todoba maalmood gudahood ah.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in qiimaha dollarka ee hoos u dhacay aanu wax saamayn ah ku yeelan maceeshada iyo shidaalka, iyadoo Somaliland ka mid tahay meelaha ugu qalisan dunida, isla-markaana ganacsatada Somaliland caan ku yihiin in aanay qiimaha ay kordhiyaan marnaba hoos u dhigin si kasta oo sarifku hoos ugu dhaco, taas oo saamayn weyn ku yeelata nolosha Bulshadda danyarta ah, isla marakana ka dhigta suuqa ganacsiga mid fowdo ah oo aan lahayn xuduud iyo xadhko midna, balse qof walba ganacsigiisa ku xisabtamo oo keliya inuu mar keliya helo macaash fara baddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here