Sideebuu Jamaal Cali Xuseen Ku haweysan Karraa Xisbiga Kulmiye ee ku tartamay ururka dhiig iyo dheecaanba loo shubay ?

0
1386

HARGEYSA– (Faalo) Inkastoo aanney inta badan dhalinyaradu la soconin qeybaha Taariikhda socota wakhti xaadirkan Somaliland-ta Cusub, maadaama dad badan oo cusubi kusoo biireen doorka Siyaasada islamarkaana, ay qaangaadheen kumanaan aan sooyaalkii hore la soconin.

Hadaan kusoo noqdo dhalinyarada da,yarta ah ee hadalhaya Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, oo mar isku dayey inuu hankiisa Ku tijaabiyo dhinaca siyaasada waxa uu damaciisa ku tijaabiyey Xisbigii Udub, oo ay isku qabsadeen qaar Kamid ah kaadirkii Xisbigaasi kadib Markii laba garab loo Kala jabey Jamaal oo Axmed Yuusuf Yaasiin Madaxweyne kuxigeenkii Xukuumaddii Udub ahaana Gudoomiye Kuxigeenka Xisbigii Udub uu la jeclaaday inuu dhiig Cusub galiyo Sidoo kalena, Ku tartamo oo hogaanka u qabto Udub haseyeeshee Markii la isku qabsadey Muran badan Kadib waxaa Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa Gudoomiyihii iyo Madaxweynihii dhaxley Xisbigaasi Waxa uu ka faro maroojiyey damacii Axmed Yuusuf Yaasiin Ku doonayey Jamaal inuu hogaamiyo Udub waxaanu, isagoo awoodiisa isticmaalaya ku wareejiyay Cali Maxamed Warancade, taas oo Markii Udub burburey uu Daahir Rayaale Madaxweynihii hore isku canaantey Warbaahintana ka Sheegay, in Cali hankiisu ahaa ‘Wasiir’ isagoo isticmaalay kalmadda ah “Nin hankiisu yahey Wssiir ayaan Xisbigii ku wareejiyay”.

Sikasta oo ay arintaasi aheyd, Jamaal wuxuu la heshiiyay Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Ucid Waxaanay Wadda galeen Doorashadii Golaha Deegaanka ee 2012kii kadib markii Xisbigii Ucid Kasoo gudbey doorashadii ururada Xisbina usoo baxey waxa ay Isla galeen Maxkamada Xiligii Lagu soo dhawaadey tartankii doorashada Madaxtooyada, Waxa Jamaal Ku taageeray dacwadda Cali Yuusuf(Cali Gurey), aakhirkii Faysal ayaa loo xukumay Xisbigii Jamaal iyo Calina Waxaa loo celiyay kharashkii ka galey ucid 300.000$ oo Jamaal loo Celiyay iyo 100.000$ oo Cali qaatey, sidaana waxey ololihii la galeen Madaxweyne Muuse Biixi, doorashadii 2017kii.

Gabagabadii Markii Madaxweyne Muuse Biixi talada Ku Guuleysatey inkastoo aanney jirin wax shuruud ah oo Ku xidhnaa iney Labada odey ka qeybgalaan Xukuumadda haddana Markii la Magacaabay Golaha Xukuumadda Jamaal Cali Xuseen waa iskaga taggey Dalka Waxaanu iska raacdey hawshiisa, mana jirin Wax tacab dambe ah oo uu gashaday Xukuumada iyo Xisbigii ay Ku soo biireen ee Kulmiye, inkastoo qoraalo badan oo sarbeeb ah oo dad badani u turjunteen in uu Jamaal ula jeeday Madaxweyne Muuse Biixi haddana labadaasi odey wey kala eed la,aayeen halka Cali Yuusuf(Cali Gurey), uu si badheedhe ah ugu biirey Xisbiga Waddani Madaxweynihii uu ololihiisa ka qeyb qaateyna ku noqdey nin aan uga tudhin hadal xun iyo mid dhaliileed oo xeyndaabka dhaafsan waa Suurtagal in Jamaal si hoose uga Mid noqdey ama taageeray Xisbiga Waddani laakiin fagaare masoo istaagin Xisbiga Kulmiye-na irbad dun uma galin Sidaas oo ay tahey halkeebuu kasoo haweysan karraa Xisbiga Mar Kale ku tartamey urur ee dhiiga iyo dheecaanba loo shubay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here