Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub oo La Sheegay in Xukuumadii Xidhay ay u diiday inay Maxkamad horkeento

0
992

Hargeysa, (HargeisaPress) — Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub oo ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo xabsiga u taxaabtay 17/8/2015 ayaan ilaa hadda la cadayn sababta uu u xidhan yahay  ka dib markii ay ciddi soo ashkataysay ka baaqatay inay maxkamadda ka soo xaadirto.

 

Eheladda Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub ayaa walaac ka muujiyey gabi ahaanba qaabka loola dhaqmay Muwaadinkan, kuna tilmaamay xad-gudub intiisa le’eg oo aannu muteysan, waji-gabax iyo ceeb-na ku ah Shuruucda iyo milgaha dawladdnimo ee dalka ka dhisan.“Annagu mar walba waxaanu doonaynaa in hadii dambilagu haysto la xuku, hadii aan dambi lagu hayaa jirinna xoriyadiisa loo soo celiyo”ayuu u sheegay HargeisaPress.com mid ka mida Eheladda Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub.

 

Qoyska Suldaanka ayaa dalbanaya in  xorriyadiisa loo soo celiyo mar haddii aanu jirin dambi uu galay oo ay dawladdu u haysato.

 

 

 

Mudada uu Suldanku hadda xidhanyahay ayaa in badan dhaaftay waqtigii uu sharcigu ogolaanayey in maxbuuska maxkamad la’aan jeelka lagu hayn karo waliba iyadoo waliba xadhigiisa markiisii horeba loo soo maray wado sharciga baal marsan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here