Muqdisho (Hargeisa Press) — Sii-hayaha Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magacaabay guddi ka kooban lix xubnood oo soo baadha weerarkii shalay ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho, kadib markii hub uu gacanta u galay maxaabiis Al-shabaab ah kadibna ay weerareen ciidamada ilaalada xabsiga.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Mahdi Maxamed Guuleed ayaa lagu sheegay in xubnaha la magacaabay laga doonayo inay dhacdadaas ka keenaan gungaadh dhammaystiran sida ugu dhakhsaha badan, iyo inay baadhitaanka kusoo gabagabeeyaan toban maalmood.
Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah Xasan Xuseen Xaaji oo ah Wasiirka Cadaaladda oo ah guddoomiyaha guddiga, iyo Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo ah Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kameey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada iyo Gaashaanle Sare Guuleed Sheekh Xuseen Aadan Taliyaha Hoggaanka Baadhista Dambiyada.
Ciidamada amniga ee Soomaaliya ayaa xalay soo af jaray hawlgal ay ka wadeen xabsiga dhexe ee Muqdishu iyaga oo toogtay afar maxaabiis ahaa oo adeegsadnayey bastoolado iyo bambo oo weeraray ciidamada amniga. Laba ka tirsan maxaabiista oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen ayaa la qabtay iyaga oo dhaawac ah, sida ay sheegeen ilo dhinaca amniga ah.
Sidoo kale, saddex ka tirsan ciidamada xabsiga ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarkaasi ay maxaabiista hubaysan soo qaadeen.