Xuddun (Hargeisa Press): Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta Reer Miyiga Somaliland ayaa dib xoolaha ugu furtay Seeraraha Xuddun ee gobolka Sool.
Kaasoo wasaaradda Deegaanku ay hore u xidhay muddo hadda laga joogo saddex bilood, si xooluhu ugu baxsadaan xiliyada abaaraha.
Waxaana furitaanka Seerraha Xudun goob joog ka ahaa isuduwaha wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee gobolka Sool, maayar ku-xigeenka Degmada Xudun, taliyaha Booliska Dedmada Xuddun iyo dadka xoolo dhaqata ah ee deegaankaasi.
Bulshadda xoolo dhaqatada ah ee deegaamadaasi ayaa iyagu si weyn u soo dhaweeyey in xoolahoodda dib loogu furay Seerahaasi.
Waxaanay wasaaradda deegaanka ku amaaneen talaabadii ay hore ugu xidhay seerahaasi, iyagoona sheegay in xoolahoodu ay si fiican ugu raysteen.
Hargeisa Press.com/Hargiesa Office.