SONYO galbataye dhalinyarooy toosa By: Dr Ali Sh Mohamed Abdi

0
921

Daladii ay ku bahoobeen dhalinyarada reer Somaliland ee sonyo Waxa halkaa geeyey xukumada oo iyadu ka dhigatay sidii wasaaarad ka mid ah wasaaradihi uu M siilanyo maamuli jiray .

Hadaba dhalinyarada Somaliland min bari ilaa galbeed waxan uga soo jeediynayaa halkan inay iska ilaaliyaan dabinada maleegan ee xukuumada cimrigeedii sii dhacayo ay la maagan tahay midnimada dhalinyarada Somaliland oo ay doonayso inay qabyaalada cunfi iyo kala qaybin ku samayso

Xukuumada aakhuru licibka taagana waxan odhan lahaa ka waanto isku dirka dhalinyarada walaalaha aha ee ururka iyagu gacantooda ku samaystay ee ka madaxa banaan siyaasada iyo qabyaalada

Dalada dhalinyarada ee sonyo maaha wax xukuumada kulmiye ay samaysay waxay hore usoo qabdsatay lix shirwayne oo ay six xor iyo xalaala ugu  doorteen hogaan indheer garad ah oo soo hogaaminayey mudadii sadex iyo tobanka sano ahayd ee ay hore usoo jirtay daladani.

Xukuumadu iskuma jirto ee waxa dhalinyarada godob gaara  ka galay cali siciid raygal oo isagu kow ka ah kala qaybinta iyo isku dirka dhalinyarada walaalaha ah ee daladan ku bahawday  waxanaan leeyahay cali siciid raygalaw kadaa dhalinyarada jab iyo hoog haw horseedin waxa ku saran masuuliyadii dhalinyarada dalka oo dhan waxanaad ku fadhidaa xilkayagii  ma ogalin wax masiirka dhalinyarada ku ciyaara .

Waxan dhalinyarasa Somaliland guud ahaan ugu baaqayaa inay iska dhaafaan is jiid jiidadka oo ay udiyaar garoobaan qabashada shir aayo ka tashi oo ay yeelato dhalinyarada Somaliland oo ay qayb ka tahay dalada sonyo sida ugu dhaqsaha badan.

 

Wabilaahi tawfiiq.

Dr Cali Sh Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here