Somaliland: Xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo ururka Kaah oo la ganaaxay

0
2147

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida anshaxa iyo kormeerka ee Doorashooyinka Somaliland, ayaa waxaa ay maanta ganaaxyo culus oo lacageed ku xukumay Xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo ururka  Kaah.

Guddida anshaxa ee Doorashooyinka, ayaa waxaa ay sidoo kale ganaaxyo lacageed ay ku xukumeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo golaha degaanka degmada caasimadda Hargeysa.

Waxaa ay Guddidu sheegeen xisbiyadan iyo masuuliyiintani in ay jabiyeen xeerka anshaxa iyo hab-dhaqanka xisbiyada iyo ururrada siyaasadda Somaliland.

Guddida, ayaa waxaa ay xisbiga Kulmiye ku xukumeen ganaax lacageed oo dhan 100 milyan oo shillinka Somaliland ah, halka ay xisbiga Waddani iyo ururka Kaah ay ku xukumeen midkiiba lacag dhan 50 milyan oo shillinka Somaliland ah.

Sidoo kale, guddida ayaa ganaaxyo lacageed ku xukuntay Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirisaaq Muuse Faarax, Xoghayaha Guud ee xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar iyo Xildhibaan Maxamed Abiib Cismaan Siikaawi oo ka tirsan golaha deegaanka caasimadda Hargeysa.

Guddida, ayaa waxaa ay Wasiirka Ciyaaraha Somaliland ku xukuntay lacag dhan 10 milyan oo shilinka Somaliland ah, halka ay Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar, Xildhibaan Maxamed Abiib Cismaan Siikaawi iyo Madaxa ololaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Maroodi-jeex Mustafe Maxamuud Qoday ku xukuntay midkiiba lacag dhan 5 milyan oo shillinka Somaliland ah.

Hase yeeshee, waxaa ay guddidu fartay xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo ururka Kaah, in ganaaxan lacageed ay ku bixiyaan muddo saddex cisho gudahood ah, isla-markaana ay lacagta ku shubaan bangiga dhexe ee Somaliland.

Guddida anshaxa iyo kormeerka ee Doorashooyinka Somaliland, ayaa u soo jeediyay xisbiyada qaranka iyo ururrada siyaasadda inay ixtiraamaan xeerarka iyo sharciyada u yaalla Doorashooyinka qaranka.

Ma aha markii ugu horreysay oo xukun noocan oo kale ah lagu rido xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, iyadoona dhawaan ay guddida anshaxa iyo kormeerka doorashooyinku ay ganaax lacageed ku rideen xisbiyadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here