“Somaliland waxay cambaaraynaysaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ka-geysteen Ciidamada Liyuu Booliska.”

0
1029

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay si kulul u cambaaraysey xasuuqa ay Deegaanka Dacawaley ka gaysteen Ciidamada Layuu Booliska ee maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

War-saxaafadeedka ka Soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay xasuuqa ay Ciidamada Layuu Boolisku ka gaysteen Deegaanka Dacawaley.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa dhinaca kale waxaa ay Ciidamada Liyuu Booliska ku eedaysey in ay Deegaanka Dacawaley ka afduubeen Madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta nabadda iyo daminta colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey.

Sidoo kale, wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa waxaa ay afduubka Madax-dhaqameedka Somaliland, ku tilmaamtay mid gef iyo xadgudub cad ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in ay dhacdadan kala hadashay Dowladda Itoobiya, isla-markaana ay Xukuumadda Somaliland ku wargelisay arrinta ka dhacday Degaanka Dacawalay iyo dhibaatada ay geysteen Ciidamada Liyuu Booliska.

Waxaanay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland xustay in Dawladda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya ay maalinta beri ah wadahadal ku dhexmari doono xadka labada dawladood.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

“Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab oo ka masuul ah amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hadlaya afka Xukuumadda waxaa uu cambaaraynayaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadamaha iyo hanaanka Dawladnimo.

Dhinaca kale Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Degaanka Dacawalay ka afduubay Madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta Nabadda iyo daminta Colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taasoo ah gef iyo xadgudub cad.

Wasiirka Amniga Gudaha JSL waxaa uu si xoog leh u cambaaraynayaa falalka foosha xun ee ay Degaanka Dacawalay ka geysteen Ciidmada Liyuu Booliska ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya, kuwaasoo geystey Xasuuq baahsan, masuuliyadda ka dhalatana ay qaadi doonaan.

Madaxweynaha Maamuul Soomaalidda Itoobiya, ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda u caddeeyey sida uu uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay Degaanka Dacawalay.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay la xidhiidhay Dawladda Federaalka Itoobiya oo xidhiidh Nabadgelyo iyo mid siyaasadeedba ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku wargelisay arrinta ka dhacday Degaanka Dacawalay iyo dhibaatada ay geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, iyadoo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya maalinta beri ah wada hadal ku dhex mari doono Xadka labada Dawladood.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here