Hargeysa (HargeisaPress)– Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Md. Cabdillaahi Xasan Aaden oo ka mid ahaa xubnihii Golaha Wasiirrada ee maanta warbixinta ka jeediyey Fadhigii 14-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Golaha u sheegay in uu dhammaaday 3-biloodkii koowaad ee sannad Miisaaniyadeedka 2025-ka.
Wasiirka ayaa sheegay in nasiib wanaag ay muuqato kor u kac xagga Dakhliga ah, kaasi oo 19% ka sarreeya marka loo eego sannadkii 2024-ka. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in is ku xidhka nidaamka Maaliyadda ee Cashuuraha ku waajibay iibka ee Shirkadaha Korontada iyo kuwa Isgaadhsiintu ay meel wacan marayaan, taas oo kor u qaadi doonta Dakhliga Dalka.