Hargeysa, (HargeisaPress) — Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa ayaa laga hir geliyay Huteel Cunto oo aan noociisu hore dalka uga jirin hoteelkani oo loogu magac daray SUDANES Restaurant waxa furay Ganacsato Sudanes ah waxana Munaasibaddi Furitaan Huteelkaasi oo si heer sare ah looso agaasimay kasoo qayb galay mas’uuliyiin, ganacsato, iyo aqoonyahano Siyaasiyiin haldoorka tira badan iyo marti sharaf kale.
Al-Fayad Bariir Zamani oo ah Muwaadin Suudaani ah Ahana Milkiilaha hirgaliyay hotelkani ayaa ka warbixiyay waxayaabaha ku dhaliyay furista hotelka, isagoo sheegay in ay garteen in muhiim uu yahay maalgashiga Somaliland sidaasi daraadeedna ay rajeynayaan in adeegyo muhiim u ah bulshada in ay u qabtaan.
Cuntooyinka lagusoo bandhigay madashi furitaanka Huteelkaasi iyo kuwa lagu samayn doono ayaa noqonaya Kuwa dalalka Laysku yidhaahdo Mediterranean -Ka iyo kuwa kaleba.
Sikastaba ha ahaate Hoteelkan SUDANES Restaurant ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee taariikhda abid Hargeysa laga hir geliyo huteel casriya oo samaynaya Cuntoyinka Dalalka Sudan iyo kuwa kaleba.
Hargeisa Press News Desk — Hargeysa