Siyaasiyiintii Ka Xidhnaa Xisbiyadda Mucaaradka oo La Sii Daayay

0
1232

Mandheera (Hargeisa Press)- Waxaa galabta xabsiga Mandheera oo ku yaalla gobolka Saaxil laga sii daayay xubno siyaasiyiinta iyo suxufiyiinta ahaa oo mudooyinkii u dambeeyay ku xidhnaa halkaasi.

Xubnahan siyaasiyiinta iyo suxufiyiinta ahaa ee la sii daayay maanta, ayaa u xidhnaa mudaharaadkii dhawaan ka dhacay magaalada Hargeysa.

Waxaana xubnahaasi ka mid ahaa siyaasi C/laahi Cukuse oo ka tirsan xisbiga Waddani iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Waddani Axmed Cumar Xamarje iyo suxufiyiin, iyagoo maanta dib u helay coriyadoodii, kadib muddo dhawr todobaad ah oo ay Mandheera ku xidhnaayeen.

Kuwaasoo ay sii dayntoodu ku timid kadib markii uu cafiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ay ka codsadeen ergada dhex-dhexaadinta ka dhex wada xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaradka ah.

Xubnahan siyaasiyiinta ah ayaa markii isla galabta laga soo daayay xabsiga Mandheera, waxay ka dareen celiyeen sii dayntoodda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here