“Somaliland rabitaanka Shacabka ayey kutimid ee khariidad”

0
237

Qarannimada Somaliland maaha mid ku dhisan khariidad system kombuyuuter sameeyo ee waxa ay ku dhalatay rabitaanka shacabka Somaliland ee 1991,

”Waxaa saacadihii u dambeeyay ka socday Baraha Bulshada warar ku saabsan in shirkadda Google systemka ay leedahay ee Google Maps uu wax beddelay khariididda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo laga saaray qaybo ka mid ah gobollada Sool iyo Sanaag.

Arrintan waxay ku timid faragelin siyaasadeed oo ka timid maamulka Muqdisho, taas oo baryahan ku hawlanayd in ay qariso xaqiiqda dhabta ah ee jiritaanka Somaliland.

Muqdisho waxa ay muddooyinkii dambe ku hawlanayd inay cadaadis saarto hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah sida Google iyada oo la dagaalamaysa madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland. Google, oo ah shirkad ganacsi oo gaar loo leeyahay waxa ay mararka qaarkood aqbashaa cadaadisyada dawladaha kaga yimaadda, sida jaziiradda Ciremia oo Google Maps raacisay Russia ka dib markii lagu cadaadiyey.

Tallaabadan Muqdisho qaaday waxa ay ku soo beegantay xilli dabaylaha aqoonsiga Somaliland ay marayso meel aad u wanaagsan oo dawladda Maraykanku hormuud u yahay. Sidoo kalena, caalamku qirsan yahay in dawladnimada iyo

dimuqraadiyadda Somaliland ay tahay mid taabo gal ah oo door wayn ka qaadan karta xasiloonida iyo degenaanshaha aduunka , halka nidaamka Xasan Sheikh tahli kari laayahay inuu dhaafo xayndaabka magaalada Muqdisho inkasta oo kharash badan aduunku ku bixiyay.

Waxa aan shacabka Somaliland ku baraarujin lahaa inuu ogaado in khariidadda Google Maps aanu ka dhignayn xadka siyaasadeed ee dal leeyahay. Waa adeeg shirkad gaar ahi leedahay oo aan marna meesha ka saarayn Qarannimada iyo Midnimada dhuleed ee Somaliland.

Qarannimada Somaliland maaha mid ku dhisan khariidad system kombuyuuter sameeyo ee waxa ay ku dhalatay rabitaanka shacabka Somaliland ee 1991,

kaddib halgan dheer iyo dhiig badan u daadatay. Xuduudaha Somalilandna waxa ay la mid tahay xuduudaha wadamada kale ee African-ka ah ee gumaystuhu qeexay caalamkuna isku raacsan yahay in la dhawro.

Shacabkayga Somaliland waxa aan leeyahay aynu labanlaabno dedaalka aynu ku raadinayno aqoonsi aynu dalkeena u helno sidoo kalena ku hor marinayno dalkeena.

Maamulka Muqdisho ee itaalka daran leh waxa aan leeyahay tallaabo kasta oo aad qaadaan waxba yeelli mayso in Somaliland hesho aqoonsi caalami ah ama farogaliya khariidadda Google Maps ama abaabula dagaallo siyaasadeed,diblumaasiyadeed iyo tiknoolaji oo aydan waxba kaga qaadayn qarannimada Somaliland.
Somaliland Guul iyo Gobanimo..”

Waxa Qorey:- Wasiir hore Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Sheekh Suufi Jibriil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here