Somaliland oo soo bandhigtay dowlado si-gaara uga soo horjeeda heshiiska Itoobiya

0
2310
Wasiir Kaahin oo Lagu Eedeeyay Sharci Jebin

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay soo bandhigtay oo ay farta ku fiiqday dowlado si gaar ah uga soo horjeeda heshiiskii isfahan ee badda ee ay la gashay dowladda Itoobiya.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa uu sheegay in Jabuuti iyo Soomaaliya oo qudha ay ka soo horjeedaan heshiiskii isfahan ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiir Kaahin, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in dawladaha ku midoobay Urur Goboleedka IGAD aanay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ka soo horjeedsan, marka laga reebo buu yidhi Jabuuti iyo Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in 7-da dowladood ee IGAD laysku yidhaahdo aanu jirin wadan qudha oo leh heshiiskaasi waa xaaraan.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa uu sheegay in Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu shirkii Shiinaha iyo Afrika ka sheegay in heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya uu soconayo.

Dowladda Somaliland, ayaa waxaa ay hore u sheegtay in heshiiska is-fahan (MoU) ee ay wada galeen dowladaha Somaliland iyo Itoobiya uu marayo meel gabo-gabo ah, isla-markaana sida ugu dhakhsiyaha badan loo hirgelin doono heshiiska rasmiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here