Hargeysa,(HargeisaPress) –Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si diirran ugu mahadcelisay Senator Ted Cruz oo ka tirsan Aqalka Sare ee Mareykanka, ka dib markii uu mar kale si cad ugu dhiirrigeliyay Dawladda Mareykanka inay aqoonsato madax-bannaanida Somaliland.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu xusay in Senator Cruz uu muddo dheer ka mid ahaa saaxiibbada dhow ee Somaliland, isla markaana uu hormuud u yahay codadka mabda’a ku saleysan ee taageeraya aqoonsiga Somaliland.
“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si mug leh ugu mahadnaqaysaa Senator Ted Cruz, taageeradiisa joogtada ah iyo u doodistiisa mabda’a ku dhisan ee ku saabsan aqoonsiga Somaliland,” ayaa lagu yidhi bayaanka.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in Somaliland ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay Dawladda Mareykanka, si loo horumariyo danaha labada dhinac ee ku dhisan nabad, dimuqraaddiyad iyo wada-tashi.
“Waxa naga go’an Somaliland ahaan xoojinta iskaashiga xooggan ee naga dhexeeya Maraykanka si aan u wada xaqiijino yoolalka aanu wadaagno,” ayaa lagu daray.
Somaliland ayaa muddo ka badan 30 sano ku guulaysatay ilaalinta nabadda, xasilloonida, iyo dimuqraadiyadda, taas ayaa ah sababta ay u mudan tahay in lagu abaalmariyo aqoonsi rasmi ah.
“In ka badan soddon sanno, Somaliland waxay ilaalinaysay nabadda, xasilloonida iyo hannaanka dimuqraaddiyadeed. Codadka mabda’a ku saleysan ee noocan ahi waxay kor u sii qaadayaan qiyamka aynu wadaagno,” ayaa lagu xusay qoraalka.
Senator Ted Cruz ayaa horey ugu dhawaaqay in ay ka go’an yahay inuu ka shaqeeyo sidii Mareykanku u aqoonsan lahaa Somaliland, isagoo ku sababeeyay doorkeeda nabadeed, dimuqraadiyadeed iyo muhiimaddeeda istaraatijiyadeed ee gobolka Geeska Afrika.

















