Somaliland oo shir caalami ah kaga qayb-gashay South Afrika

0
1764

Cape Town (Hargeisa Press)- Wefti ka socda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka qayb galay Shir madaxeedka Afrika ee Hydrogen-ta cagaaran oo lagu qabtay South Afrika.

Dowladda South Afrika, ayaa si rasmi ah ugu martiqaaday weftiga Somaliland ee ka qaybgalay shirkan oo uu hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka cimilada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir oo ay weheliyeen Wakiilka Ganacsiga iyo Arrimaha Gobolka ee Somaliland u qaabilsan Koonfur Afrika Cali Ismaaciil Cilmi, Ayaan Cashuur iyo Axmed Jaamac Ducaale oo fududeeyay iskuduboridka martiqaadkan.

Madaxweynaha South Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa si rasmiya uga furay Magaalada Capetown shir madaxeedkan oo muhiimad weyn u leh dalalka Afrika oo dhan.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shirkan ku muujisay doorkeeda firfircoon ee ku wajahan iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada tamarta cagaaran iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo saameynta ka dhalatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here