Somaliland oo sheegtay in Soomaaliya doonayso inay-qaadato doorkii saxeexa heshiiska badda

0
7441

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay ka hadashay wadahadallada maanta magaalada Ankara ee dalka Turkiga uga furmaya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), sheegay in Soomaaliya ay siin karto uun Itoobiya inta ay maamusho, balse aanay bixin karin badda Somaliland.

Wasiir Cali Mareexaan, ayaa waxaa uu ku eedeeyay Soomaaliya inay doonayso inay qaadato doorkii saxeexa heshiiska badda.

Wuxuu sheegay in la ogyahay in Jamhuuriyada Somaliland aanay ahayn Soomaaliya, isagoona sheegay in maamulka Xamar ay galaan heshiisyo badan, taasoo buu yidhi aanay waligeed heshiis ay galeen ka fulin Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, ayaa sheegay in arrintaasi ay markhaati u tahay arrintii ay Somaliland in badan sheegtay ee ahayd in maamulka Muqdisho doonayso in ay iyadu saxeexdo.

Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa maanta lagu wadaa inay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku yeeshaan kulan ay ku sii amba qaadayaan wada-hadalladii hore u fashilmay ee u dhexeeya labada dhinac ee ay gadhwadeenka ka ahayd dowladda Turkigu.

Hase yeeshee, waxaa xusid muddan in wadahadaladii hore ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhacay dalka Turkiga uu ku soo idlaaday natiijo la’aan, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaadhin.

Dowladda Itoobiya, ayaa diiday soo jeedintii Soomaaliya ee ahaa in Itoobiya bad laga siiyo marinka badda Hindiya, haddii ay ka noqoto heshiiska ay la gashay Somaliland ee MOU, iyadoona dowladda Itoobiya meel adag ka taagan tahay heshiiska MOU ee ay la gashay Somaliland.

Itoobiya, ayaa ku adkaysatay rabitaankeeda dekedda Somaliland, waxayna diiday inay ka noqoto heshiiskii isfaham ee ay Somaliland la gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here