Somaliland oo sheegtay in aanay Soomaaliya hor-istaagi karin aqoonsiga u socda

0
2259

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka Arrimàha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in aanay jirin wax ay dowladda fashilantay ee Soomaaliya ku hor istaagi karto aqoonsiga u soo socda Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay degelka X (Twitter), oo uu kaga jawaabayay warqada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku sheegay in aanu dekado aanu xukumin ku wareejin doono Mareykanka.

Waxaana uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ku sifeeyay hadalka Soomaaliya “iskuday quus ah” oo ka yimid dawlad fashilantay.

“Tani waa isku day quus ah oo khaldan oo ka yimid dowlad fashilantay oo Soomaaliya ah,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, waxaannu intaas ku daray; “Waa calaamad muujinaysa nidaam musuqmaasuq ah oo gabogabo maraya oo ku foogan  iskuday ismiidaamin ah.”

Wasiirku wuxuu carabaabay in aanay jirin wax Soomaaliya ay ka qaban karto aqoonsiga u soo socda Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here