Somaliland Oo Hoos U Dhigtay Lacagta Koontiinaradda Dekadda Berbera Laga Qaado

0
879

“Waxaan idiin sheegayaa arrintani waa go’aan aan ka baaraan-degnay wax cid gaara loola jeeda-na ma aha”…wasiir Saajin

Hargaysa (Hargeisa Press.com):  Wasiirka wasaaradda ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska Somaliland  iyo maareeyaha dekadda Berbera ayaa si wada jira u shaaciyay in si toosa loo fulinayo go’aankii ay todobaadkan soo saartay wasaaradda ganacsigu.

Amarkaasi oo ay wasaaradda ganacsigu soo saartay 21-kii bishan ayay  ku go’aamisay in khidmaddu wakiiladdu ay ka qaado, mulkiileyaasha badeecaddaha lagu saleeyo shixnadda ee aan lagu salayn doonin Koontiineerka, lacagta laga qaadayaana ay noqon doonto 85-dollar.

 

Wasiirka ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo maareeyaha dekadda Berbera Siciid Xasan Cabdillaahi, oo maanta  si wada jira shir jaraa’id ugu qabtay Hargaysa waxay sheegeen in ay dhaqan-gal noqonayso wareegtadaasi ka soo baxday xafiiska wasiirka 21/8/2019-ka.

Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa sheegay in sababta ay tallaabadan u qaadeen ay tahay kadib markii ay ogaadeen in ay kala duwan yihiin nidaamka ay dekadaha wadamadda Somaliland la jaarka ahi ku shaqeeyaan.

Sidaas darteed-na si ay dekadda Berbera ula jaan-qaado dekadaha wadamadda deriska in ay lagama maar-maan noqotay in isku qiime loo jaro, isla markaana arrintaasi ay qiimayn balaadhan ku soo sameeyeen ka hor inta aanay ku dhaqaaqin.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Qiimayn balaadhan ayaanu samaynay. Waxaan ogaanay in dekaddaha kale nidaamka ay ku shaqeeyaan iyo nidaamka ay dekadeenu  ku shaqayso uu aad u kala gedisan yahay.

Mombasa,  ilaa Jabuuti tan aynu u goynayno ganacsatadeenu way ka hooseeyaan.  Sidaasi darteed,  waxaanu go’aan ku gaadhnay anagoo u danaynayna bulsho-weynta wadanka wax ku iibsadda iyagga uun bay fuulaysaa ugu danbayne.

In dawladaha aynu jaarka nahay waxay ku dhaqmayaan aynu la jaan-qaadno.  Wasaaraddu-na waxay u fadhidaa in ay ganacsatadda daryeesho.  Laakiin,  muhiimadda weyni waxa weeyi in shacabka la daryeelo,  waxanina waa war-qad la goynayo qiimaha dadka kale ku dhaca uunbaa iyaga-na ku dhacaya”.

Wasiir  Saajin, oo hadalka sii watay ayaa tilmaamay in go’aankani uu yahay mid hay’adda dawladda si wada jira uga soo baxay, isla markaana aan cid gaara loola jeedin.

“Waxaan idiin sheegayaa arrintani waa go’aan wasaaradda maaliyadda, wasaaradda ganacsiga iyo go’aan maareeyaha dekaddaha ka yimid.  Waana go’aan aan ka baaraan-degnay,  wax cid gaara loola jeeda-na ma aha.

Ganacsato,   ganacsato xukuntay-na maanaan arag. Xataa ganacsato naguma soo dacwoon, waa mid daraasad aanu samaynay ka dhalatay, waana mid dalka dantiisu ku jirto,  shicibka dantiisu ku jirto, baayac-mushtarka dantiisu ku jirto.

Waana qarraar anaga naga soo baxay, waana mid aanu ilaa shan bilood ka shaqaynaynay,  hawshaasina sideeda ayay u soconaysaa”ayuu yidhi wasiir Saajin.

Geesta kale maareeyaha dekadda Berbera Siciid Xasan Cabdillaahi,  oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in wareegtadan wasiirka ganacsigu soo saaray ay tixgelinayaan, isla markaana ay fulinayaan.

Taasoo dhaqan gal noqonaysa bisha soo socota.  Waxaanu yidhi “Waraaqdan  wasiirka,  waanu tixgelinaynaa.  Waanan fulinaynaa, hawshaasi-na 21-ka bisha 8aad ee sanadkan 2019-ka  ayay dhaqan-gal noqonaysaa”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here