Somaliland oo ka hadashay xidhiidhka Xasan Sheekh iyo Al-shabaab

0
5301

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay jawaab kulul ka bixisay hadalkii ka soo yeedhay Wasiirkii hore arrimaha dibadda Soomaaliya, sidoo kalena ahaa la-taliyihii hore Farmaajo ee dhinaca amniga, Cabdi Siciid Muuse.

Wasiirkii arrimaha dibbada Soomaaliya ee maamulkii Farmaajo, ayaa waraysi uu siiyay BBC-da, wuxuu ku sheegay inuu dowladda Xasan Sheekh u soo jeedinayo hadii ayna iska dhicin karin damaca guracan ee Abiy Axmed inay u baneyso Al-shabaab.

Waraysiga, ayuu sidoo kale ku sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay soo gaadhay dhaawac weyn oo la xadhiidha hanaanka ay uga jawaab celiso hadalada mayalka adag ee ka soo yeedha Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, sida uu ku dooday.

Sidoo kale, Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa ka gaabsaday inuu si sax ah uga jawaabo in kooxda Al-shabaab uu u aqoonsan yahay Argagixiso iyo inkale.

Hadaba, Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in hadalka ka soo yeedhay Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya uu gudbinayay farriin uu ka siday xukuumadda Soomaaliya oo lagu muujinayay xidhiidhka ay kooxda Al-Shabaab la leedahay.

Wasiir Kaahin, wuxuu sidaas ku sheegay farriin uu ku baahiyay barta X (Twitter), waxaanu tilmaamay in waraysiga Cabdi Siciid Muuse uu ka markhaati kacay cilaaqaadka ka dhexeeya xukuumadda Muqdisho iyo Kooxda Al-shabaab oo in badan xukuumadda Somaliland uga digtay xidhiidhkooda.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Soomaaliya ku fashilantay inay dhicisayso heshiiska is-faham ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo taas beddelkeeda ku mar-marsoonaysa inay cidhib tirayso Al-shabaab, waxaanu sheegay in la dagaalanka kooxdaas argagixiso ay ka go’an tahay oo kaliya ciidammada dalalka jaarka ah sida Itoobiya, Kenya iyo Ciidanka nabad ilaalinta ee ATMIS oo uu xusay in loo baahan yahay in lagu boggaadiyo dedaalkooda.

Wuxuu iftiimiyay in waraysiga uu bixiyay masuulkaas ka tirsanaa Soomaaliya uu qiray macluumaadkii Somaliland hore caalamka ugu sheegi jirtay sannado badan ka hor ee ku wajahnaa in albaabada xukuumadda Muqdisho iyo kuwa Al-shabaab isku furan yihiin oo middiba midka kale aanu doonayn in meesha laga saaro.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu intaas ku daray in caalamku bilaayiin dollar ku bixiyay la dagaalanka kooxdaas, hase yeeshee ay door aad u yar ka qabatay xukuumadda Soomaaliya la dagaallanka argagixisada, taasi oo beesha caalamku ku daashay dhinacyadan iskaashigu ka dhexeeyo ee isku milmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here