Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, ayaa ka digay qorshe uu damacsan yahay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, taasi oo la xidhiidha amniga magaalada Laascaanood.
Wasiirka, ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha maamulka goboleedka Soomaaliya ee Puntland uu doonayo in khalkhal galiyo magaalada Laascaanood si loo kordhiyo muddo xileedkiisa Madaxtinimada, isagoo taageero ka raadinaya odayaasha gobolka Sool.
Sidoo kale, waxaa uu Wasiir Caateeye geesta kale uu iftiimiyay in Laascaanood ay Ciidamada Qaranka Somaliland ay u taagan yihiin in ay Difaacaan deegaanada Somaliland iyo meelaha ka baxsan.
Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa sidan ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitter-ka.
The desire of Somalia's Puntland regional president, Mr. Deni, to extend his presidential term and seek support from the elders in return to further destabilize Lascanod City in Somaliland will force our army to defend its territories and beyond.
— Abdiqani Mahamoud Ateye (@CbdiqaniMaxamud) May 1, 2023