Somaliland oo Joojisay Bixinta Dalku-galka Dadka Ka Imanaya Dalka Itoobiya

0
4534

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ay si ku meel gaadh ah u joojisay bixinta dalku-galka (fiisaha), dadka ka imanaya dalka Itoobiya ee doonaya in ay tagaan deegaamada Somaliland.

Sida uu sheegay wakiil ku-xigeenka xukuumada Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Ambasador Barkhad Kaariye.

“Waxaannu safaarad ahaan, annagoo horeba feejignaan saa’id ah u muujinay, si ku-meel-gaadh ah u joojinnay bixinta dal-ku-galka (Fiisaha), dadka doonaya inay Jamhuuriyadda Somaliland tagaan ee ka imanayay Itoobiya. Wixii soo kordha, bulshada waannu la socodsiin doonnaa”.Ayuu yidhi Barkhad Kaariye Wakiilka Somaliland u fadhiya Itoobiya.

Dawladda Itoobiya ayaa waxaa ay maanta shaacisay in qofkii ugu horreeyay oo qaba Cudurka Corona Virus laga helay waddankeeda, kaasi oo laga helay muwaadin u dhashay dalka Jabaan.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here