Somaliland oo Imaaraadka iyo Turkiga kala xaajooneysa ballaadhinta Dekedda Berbera

0
2250

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa wada siyaasadda maalgashiga iyo qorsheyaal Istiraatiji ah oo lagu doonayo in Somaliland loogu aqoonsado xarun ganacsi iyo wershadeed oo heer mandaqaddeed ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Wershadaha Somaliland Cabdifataax Ismaaciil Ducaale,  ayaa sidaas ku sheegay waraysi uu siiyey Shabakadda The Advocate Post.

Waxaa uu agaasimuhu tilmaamay in Somaliland ay tahay dal nabadgelyo buuxdaa ka jirto oo dhiirigeliya maalgashiga caalamiga ah, isla markaana ay u dhisan yihiin qeybihii ciidan ee sugi lahaa amniga dalka iyo hantida maalgashadeyaashaba.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Xukuumadda Somaliland ay bixiso heshiisyada ilaalinta maalgashiga iyo hababka loo raacayo xallinta khilaafaadka soo bixi kara.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maalgashiga oo ka jawaabayay su’aal ku saabsan inay jiraan dhiirigelin gaar ah oo loogu talo galay maalgashadayaasha, ayaa caddeeyay in si ay u hantaan maalgashadeyaasha ay u sameeyaan cashuur dhaaf ilaa shan sanno ah.

Agaasimaha, ayaa sidoo kale xusay in ballaadhinta dekedda Berbera ee ay maamusho shirkadda DP World ay bixiso adeegyo ganacsi oo muhiim u ah gobolka.

Agaasime Cabdifataax Ismaaciil wuxuu  xaqiijiyay inay qaban qaabinayaan shirka maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland, kaas oo la qaban doono dabayaaqada sannadkan, isla markaana lagu beegsanayo maalgashadayaasha Khaliijka, Bariga Afrika iyo Galbeedka Africa.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maalgashiga, ayaa intaas ku daray in sidoo kale ay wada hadalo la leeyihiin shirkadaha Imaaraadka Carabta iyo maalgashadayaasha Turkiga, kuwaas oo ay kala xaajoonayaan ballaadhinta dekedda Berbera iyo mashaariicda tamarta la cusboonaysiin karo.

Agaasimaha Guud ee Maalgashigu waxa kaloo uu hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay ka mid tahay dalalka isticimaala dekedda Berbera isla markaana ay hadda wada hadallo kula jiraan wadanka Koonfurta Suudaan si ay wax ugala soo degaan, ugana dhoofiyaan dekedda Berbera iyadoo loo samaynayo tacriifooyin ka hooseeya marsooyinka jaarka la ah Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here