Somaliland oo dalka Taiwan kaga qayb-gashay tababarka Beeraha iyo Tiknoolajiyadda Afrika

0
1975

Taipei (Hargeisa Press)- Dowladda Taiwan, ayaa tababar la xidhiidha horumarinta beeraha iyo tiknoolajiyadda ah u qabatay dalal Afrika ka socday oo ay ka mid tahay Somaliland.

Tababarkan oo ka furmay degmada Pingtung ee koonfurta Taiwan, ayaa ka tarjumaya sida ay dowladda Taiwan uga go’an tahay sii xoojinta xidhiidhka ay la leedahay dalalka ay saaxiibka yihiin ee qaaradda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, ayaa sheegtay in tababarkaasi ay ka qaybgaleen khuburro kooban 25 xubnood oo ka kala socotay dalalka Somaliland, Eswatini, South Africa, Nigeria, Kenya, Tanzania, Namibia iyo Liibiya.

Waxa kaloo wasaaradda Khaarajiga Taiwan intaas ku dartay in tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda National Pingtung University of Science and Technology, ay ka qaybgaleyaashu qaadan doonaan tababar dhamaystiran oo iskugu jira qoraal iyo shaqo hawleed la xidhiidha hab beerista casriga ah ee loo adeegsanayo Tiknoolajiyadda.

Ku-xigeenka Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan u qaabilsan galbeedka Asia iyo Afrika Chen Yung-po, ayaa sheegay in tababarkan looga gol leeyahay in lagu xoojiyo sidii la iskugu xidhi lahaa ganacsiga beeraha Taiwan iyo Afrika.

Mr. Chen wuxuu intaas ku daray inuu rajeynayo in kor loo qaado iskaashiga beeraha, wax soo saarka xoolaha oo la qalabaynayo adeegyadaasi.

Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan waxa ay xaqiijisay inay mashaariic  dhinaca beeraha ah imikaba ka wadaan dalalka Somaliland iyo Eswatini.

Koorsada Tababarka Degdegga ah ee Elite-ka Afrika waa jawaabta Taiwan ee Midowga Afrika ee “Ajendaha 2063: Afrika ee aan rabno,” oo ah qorsheyaal loogu talagalay in qaaradda loogu beddelo xarun caalami ah, ayay tidhi Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here