Somaliland oo dalka keenaysa shidaal gaar looga iibiyo Warshadaha, shirkadaha laydhka iyo Wakaaladaha biyaha

0
245

Hargeysa,(HargeisaPress) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta soo saartay go’aanno la xidhiidha xal-u-helida Qiimaha Shidaalka Korontada, Wakaaladaha Biyaha iyo Warshadaha dalka, waxayna go’aanadaasi u dhignaayeen sidan;’

1. In dawladdu ogolaatay soo dejinta shidaalka maadaada silfartiisu ka badan tahay ka hadda la ogol yahay oo ah 500 PPM.

2. In shidaalka silfartiisu ka badan tahay 500 ppm loo ogol yahay oo qudha inay isticmaalaan shirkaha korontada, wakaaladaha biyaha iyo warshadaha wax-soo-saarka dalka.

3. In Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland uu wareegto Wasiir ku soo saari doono in isticmaalka shidaalka warsahdaha, wakaaladaha biyaha iyo shirkadaha korontadu aanay silfartiisu ka badnaan karin 3000 ppm

4. In Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga oo kaashanaya Kaydka Haamaha shidaalka qaranku uu soo saari doono xeer-nidaamiye lagu maamulayo, laguna xakamaynayo in shidaalkan la ogolaaday aannu gelin ganacsi, loona isticmaalin ujeedo ka baxsan tan loo ogolaaday.

5. In cidda qudha ee soo dejin karta shidaalkan, kaydin karta, iibin karta ee loo ogol yahay ay tahay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ku metelayso Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka

6. In go’aankani aannu saamayn ku yeelan doonin ganacsiga shidaalka ee xaddiga silfartiisu ka yaryahay 500ppm oo ah ka hadda dalka yimaada.

7. In qodobada go’aankan lagu hirgelin doono muddo 30 maalmood ah oo ka bilaabmaysa 4 November 2025, kuna eeg 3 December 2025.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here