Somaliland maxaa uga meel-yaala dagaalada lidiga ku ah jiritaankeeda iyo horumarkeeda?

0
1479

Hargeysa (Hargeisa Press)- Laga soo bilaabo maalintii lagu dhawaaqay heshiiskii is-faham ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada federaalka Ethiopia 01-01-2024, waxaa socda dagaalo toos ah oo Jamhuuriyada Somaliland lagu soo qaaday oo af iyo adinba lahaa.

Bishii June 27 keegii waxaa maamulka Muqdisho ansixiyeen wax loo bixiyey khataraha amniga qaranka oo kaalinta koowaad laga dhigey argagixisada halka kaalinta labaadna lagu sheegay aragtida gooni u goosadka oo looga jeedo Jamhuuriyada Somaliland.

Soomaaliya waxay si toos ah u iclaamisay dagaal (Somalia declared a war against Republic of Somaliland) arinkaasi oo halis ku ah xasiloonida iyo nabadgalyada Geeska Africa oo dhan.

QORSHAHA DAGAAL EE SOOMAALIYA WAA HURINTA IYO ABAABULKA DAGAALO SOMALILAND LAGAGA BILAABO BARI & GALBEED.

Siday in badan warbaahinta la wadaageen Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha haddana ah Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Muqdisho jawaabta MOU waxay ka dhigeen in jamhuuriyada Somaliland dagaal lagu soo qaado oo dadkeega laga dhex bilaabo iyaga oo bartilmaameed ka dhiganayey Awdal & Laas-caanood, Buhoodle iyo sanaag bari.

Arinkaasi oo halis amni oo weyn ku ah mandaqada Geeska Africa, sidoo kale fursad u ah ururada argagixisada iyo nabad diidka doonaya in la burburiyo jamhuuriyada Somaliland, arinkaasi waxaa in badan ka digey khubaro badan oo caalami ah in deegaanada Geeska Africa isku leeyihiin saameyn oo hadii dagaalo bilaabmaan ay adkaan doonto si loo damiyaa.

Waa marka labaad ee dagaalada ka bilaabma Somaliland ay halis u yihiin Ethiopia, Djibouti iyo wadamada kale ee mandaqada inay gaadhaan maadaama oo dad isku mid ahi ku nool yihiin, sidoo kale ay fursad iyo hoy u noqon karo gobolka Geeska Africa ururada argagixisada ee caalamiga ah.

SOMALILAND WAA INAY HESHIIS ISKAASHI CIIDAMADA IYO DIFAACA AH LA GASHAA ETHIOPIA & UAE.

Dagaalka kale ee ku socda Jamhuuriyada Somaliland waa mid la dagaalanka dhaqaalaha iyo horumarka ah, arimaha Jamhuuriyada Somaliland lagula dagaalamayo waxaa kow ka ah horumarka dekeda Berbera oo DP world gacanta ku haysaa sameysay.

Jamhuuriyada Somaliland iyo UAE hore waxay u lahaayeen xidhiidh xaga ciidamada ah oo Berbera waxa ku yaalla saldhig ciidan oo ay leeyihiin dawlada UAE si haddaba aan loo carqaladayn iskaashiyada iyo danaha horumarka dawladaha waa in heshiis iskaashi difaaca ah lala galaa Emirates ka.

Ethiopia waligeed qadiyada jamhuuriyada Somaliland kamay soo hor jeedin shakina kagamuu jirin in jamhuuriyada Somaliland noqoneyso dawlad gaar ah, hase ahaatee waxay odhan jireen noqon mayno dalka koowaad ee aqoonsanaya jamhuuriyada Somaliland laakiin dalka labaad ayaanu noqoneynaa.

Waxaa kuu cad in danaha istaratijiyadeed ee dawlada Ethiopia ahaayeen wax aan ku xidhnayn hadba xukuumada joogta ee yoolkoogu cadaa, Abiy Ahmed waxa uu dheer yahay hogaamiyayaashii hore waa  go’aan qaadashada iyo in lagaga dhabeeyo waxii danaha dadka Ethiopia iyo kuwa jamhuuriyada Somaliland ku jiraan.

Mohamed Abdi Jama

Dhimbiil Mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here