Somaliland iyo Taiwan oo xoojinaya iskaashiga labada dal

0
2228

Taipei (Hargeisa Press)- Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee Somaliland Cabdilaahi Faarax Cabdi oo socdaal shaqo ku jooga dalka Taiwan, ayaa wadahadallo la yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas.

Warbixin warbaahinta dawladda Taiwan ay ka qortay socdaalka Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland ku joogo dalkooda, ayaa lagaga hadlay xoojinta iskaashiga labada waddan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Taiwan Remus Chen, ayaa kulan la yeeshay weftiga Wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland Cabdilaahi Faarax Cabdi, waxana kulankaas goob joog ka ahaa Guddoomiyaha shirkadda Tamarta ee Taiwan ee CPC Corporation, Lee Shun-chin.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland, ayaa u jooga Taiwan si uu uga qaybgalo shirkii labaad ee labada dal farsamo ahaan ay ka yeellanayaan dhinaca tamarta.

Wasaaradda Khaarajiga Taiwan, ayaa xaqiijisay in wadahadallada labada dal yeellanayaan ay ku wajahan yihiin sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada geesood iyo sidii loo soo saari lahaa shiidaalka iyo mashaariic la xidhiidha dhinaca macdan qodista oo laga fulin doono Somaliland.

Wasiirka Macdanta Somaliland waxa lagu wadaa muddada uu joogo Taiwan inuu ka qaybgalo qalinjabinta tababar ku saabsan wax soo-saarka tamarta, isla markaana  uu booqdo shirkadaha ganacsi ee macdanta iyo tamarta Taiwan.

Somaliland iyo Taiwan, ayaa cilaaqaad saaxiibtinimo iyo iskaashi ka dhexeeyay tan iyo 2020kii oo labada dawladood ay is weydaarsadeen xafiisyo wakiillo diblomaasiyadeed.

Sidoo kalena waxa ay sannadkii 2022kii wada galeen heshiisyo ku wajahan macdanta iyo tamarta oo laga fulinayo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here