Taipei (Hargeisa Press)- Dawladdaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan, ayaa waxaa ay maanta kala saxeexdeen heshiis iskaashi oo dhinaca amniga badda ah, kaas oo lagu xoojinayo amniga Badda Somaliland.
Heshiiskan waxa qallinka ku duugay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hurre Haariye iyo Agaasimaha Guud ee Maamulka Ilaalada Xeebaha ee Golaha Arrimaha Baddaha Taiwan Chang Chung-lung, taas oo lagu qabtay Caasimadda Taiwan ee Taipei.
Waxaa kale oo kulankaas ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Taiwan Wu Zhizhong.
Guddoomiyaha Golaha Arrimaha Baddaha Taiwan, Guan Bi-ling, ayaa sheegay in heshiiska iskaashi uu ka kooban yahay qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin tababarro la is weydaarsado iyo samatabbixinta badda, taas oo astaan u ah aasaaska iskaashi dimuqraadi ah oo dhex mara Taiwan iyo Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa kaloo uu sheegay in heshiiskan iskaashi uu ka kooban yahay mashaariic muhiim ah oo ay ka mid yihiin is-dhaafsiga shaqaalaha, tababarrada, badbaadinta badda, taas oo ka turjumaysa in Taiwan iyo Somaliland ay sameeyeen iskaashi dimuqraadi ah oo ku saabsan maamulka baddaha, daryeelka bini’aadantinimada, amniga gobolka.
Heshiiskan ay labada dhinac qallinka ku duugeen, ayaa waxaa uu xoojinayaa iskaashiga amniga badda ee wadamada dimuqraadiga ah.


















