Nairobi (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Faysal Cali Sheekh iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa dalka Kenya shir balaadhan kula qaatay hay’addaha Qaramada Midoobay ee deeq bixiyayaasha arrimaha bani’aadanimo ka caawiya Somaliland.
Shirka ay wada yeesheen Wefdiga Guddoomiyaha hay’adda Aafooyinka iyo Keydka Raashinka iyo Hay’addaha Deeq Bixiyeyaasha, ayaa ka dhacay Safaaradda Somaliland ku leedahay wadanka Kenya gaar ahaan magaaladda caasimada ah ee Nairobi.
Shirkan, ayaa waxaa ay labada dhinac kaga wadahadleen Abaaraha ka jira Somaliland iyo sidii la isugu dubaridi lahaa caawimooyinka loona kordhin lahaa.
Waxaa kaloo shirkaa lagu soo bandhigay waxqabadkii xukuumadda Somaliland ee dhinaca Abaaraha, Dhanka deeq bixiyayaashana waxay ka garaabeen xaaladda abaareed ee ka jirta Somaliland, waxayna balan qaadeen inay dhinacooda dedaali doonan.
Shirka waxaa wefdiga Guddoomiyaha kala qayb galay Safiirka Somaliland iyo ku xigeenka safiirka ee wadanka Kenya.