Gabiley (Hargeisa Press)- Shir muhiim ah oo ay ka soo qaybgaleen Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Milateriga Somaliland iyo Janaraalo uu hogaaminayay Taliyaha Hawlgalinta Ciidamada Millateriga Itoobiya, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Commissionerka Ciidamada Booliska Dawlad Deegaanka Soomaalida, Taliyaha iyo kuxigeenka Aagga Herergee, ayaa lagu qabtay Magaalada Gabiley.
Shirkan, ayaa diiradda lagu saaray arrimaha nabadgelyada guud iyo xoojinta wada shaqaynta ciidamada labada dawladood si loo sugo xasilloonida gobolka.
Waxaa sidoo kale si gaar ah looga wadahadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Dacawalay iyo xaaladda nabadaynta ee halkaas ka socota.
Masuuliyiinta ka qaybgalay, ayaa isla qaatay in la dardargeliyo wadashaqaynta labada dhinac iyo in si dhow looga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa ammaanka iyo nabadgelyada xuduuddaha labada dal.
Dhanka kale, waxa shirka ka qayb galay Saraakiil sarsare oo ka kala socday Ciidamada kala duwan ee labada dal , Badhasaabka Gobolka Gabiley.
Ugu dambeyntii shirka ballaadhan, ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday guul iyo is-afgarad.