Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa waxaa uu maanta kulan muhiim ah uu la yeeshay wafti heer sare ah oo ka socday dowladda Ingiriiska oo uu hoggaaminayay Madaxa horumarinta Mashaariicda UK Chris Pycroft.
Kulanka waxa lagu lafaguray saamaynta abaaraha ku yeelan karaan waxbarashada, iyo baahiyaha degdegga xiligani abaaraha lagaga jawabi karo, iyo fursadaha taageero ee dowladda Ingiriisku ka geysan karto sidii aan waxbarashadu u istaagi lahayn.
Wasiirka Waxbarashadu waxa uu waftiga Ingiriiska uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan waxbarashada Somaliland.
Waxaana uu sidoo kale Wasiirka Waxbarashada Somaliland xusay in iskaashigan uu yahay mid muhiim u ah waxbarashada Somaliland.
Dhankooda, waftiga Ingiriisku waxa ay ballanqaadeen in ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan waxbarashada Somaliland xiligani Abaaraha, gaar ahaan dhinacyada kaabayaasha, ilaalinta carruurta nugul, iyo tayaynta waxbarashada.