Hargeysa(HargeisaPress)– Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaji Cali Axmed ayaa si badheedh ah u sheegay in aanu ka qaybgalayn kulanka diyaargarowga shirweynaha heer qaran ee cadaalada , kaas oo uu ku martiqaaday wasiirka Cadaalada Somaliland ,todobaadkii hore, isla marka aan.ka soo xaadirin shirkii Cadaalada ee heer qaran.
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaji Cali ayaa qoraal uu soo saaray 24kii September 2025 oo jawaab celin kaga bixiyey martiqaadka kulankaa uu ka muquurtay, kuna socodsiiyey Wasiirka Cadaalada Somaliland waxa uu mugdi wayn geliyey shirkaasi inuu yahay shirkii Garsoorka , amniga iyo cadaaladda iyo inuu yahay mid guud oo cadaalada u gaar ah.
“Sidaa darteed; ayuu yidhi; “Waxaan kula socodsiinayaa in shirkaasi haddii uu yahay shirkii garsoorka, amniga iyo cadaaladda laga wada tashado, haddiise shirkaasi yahay mid guud oo cadaalada u gaar ah ma khuseeyo Garsoorka iyo Maxkamadda sare” isaga oo si toosa ula hadlaya wasiirka Cadaalada waxa uu gudoomiyaha Maxkamada sare, intaas raaciyey oo xusay inuu madaxweynaha Somaliland u qoray qoraal sharci oo ku saabsan shirkaas iyo qaabka uu u qabsoomi karo;. ” Waanuna iska aragnay (Madaxweynaha) kana balansanahay” ayuu yidhi gudoomiyuhu.
Ugu dambayn, Aadan Xaji Cali waxa uu qoraalkiisa wasiirka Cadaalada ugu cadeeyey inaanu ka soo qayb galayn kulankaas, iyo in aysan jirin xubin qabanqaabo oo la magacaabay ilaa shirka la isaga imanayo , wada tashina ay ka galayaan hay’ addaha ay khusayso.


















