Somaliland: Dhaqaalaha Dugsiyada gaarka ahi ka sameeyaan Waxbarashada oo la fashiliyey

0
2579

Hargeysa (Hargeisa Press)- Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame, ayaa waxaa uu soo bandhigay dhaqaalaha ay dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Somaliland ka sameeyaan waxbarashada.

Abwaan Weedhsame, ayaa sheegay in Dugsiyada gaarka ah ee Somaliland ay sannadkii qasnadooda ku xaroodaan lacag ku dhaw $103 Milyan oo dollar oo ay waxbarashada ka sameeyaan.

Wuxuu sheegay in lacagta intaasi leeg ee dugsiyadu soo xareeyaan iyo tayada ardayda waxku barataa aanay isku dhigmin.

Abwaan Weedhsame, ayaa sidan ku sheegay qoraal uu ku baahiyay boggiisa Facebook-ga, waxayna u dhignayd sidan:-

“Dugsiyada gaarka ah ee Somaliland waxa sannadkii qasnadooda ku xerooda lacag ku dhaw $103 million. Lacagta intaas leeg iyo tayada caruurta wax ku barataa ma isku dhigmaan?

Si aan su’aashaas jawaab ugu helno, bal aan tusaale kuu siiyo todobadii sanno ee u dambeeyey, imtixaanka shahaadiga ah saddex maado oo ka mid ah.

Todobadii sanno ee u dambeeyey(2017 – 2024), gobolka Maroodi-jeex waxa imtixaanka dugsiga sare u fadhiistay 33,763 arday,  kuwaas oo 22,853(65%) ka mid ahi ay yihiin arday wax ku baratay dugsiyada gaarka ah.

Maadada xisaabta, 70% ardaydaas ka mid ahi  50 ayey ka hooseeyeen.

Maadada Chemistry-ga, 76% ayaa keenay derejo 50 ka hoosaysa.

Maadada Physics-ka, 60% ayaa keenay derejo 50 ka hoosaysa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here