Hargaysa (HP): Wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa soo bandhigtay warbixin laga sameeyay heerka dhegaysteyaasha iyo daawadeyaasha warbaahinta dawladda.
Waxaana deraasadaasi maanta si rasmi ah u daah-furay wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore.
Barnaamijkani qiimaynta ah waxaa soo diyaarisay waaxda qorshaynta ee wasaaradda warfaafinta oo muddo soo waday hawshaasi.
U jeedadda laga leeyahay xogtani ayaa ah sidii loo heli lahaa xog dhamaystiran oo lagu jaan goynayo dhaqaalaha iyo qorsheyaasha wasaaradda warfaafinta.
Wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore, oo hadal ka jeediyay daah-furka xogtani ayaa sheegay in ay bilaw fiican u noqonayso xogtani sidii loo heli lahaa heerka dhegaysiga iyo daawashadda bulshadda ee warbaahinta dawladda.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.