“Somaliland cida tuurtuuraysaa waa cid barwaaqadeeda ka-xun, waana la iska celinayaa..”

0
2652

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa eedayn u jeediyay maamulka Soomaaliya, isagoona u diray digniin culus.

Madaxwayne Biixi, ayaa ku eedeeyay maamulka Soomaaliya inay colaada joogto ah ku hayaan Somaliland, waxaanu sheegay in ay Soomaaliya tahay maamulka ugu colaada badan ee Somaliland dagaalka ku haya.

Wuxuu sheegay in aanay Soomaaliya si toos ah ugu soo badheedhi karin Somaliland, iyadoo cid u yeedhata mooyaane, balse ay Somaliland iska celinayso.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland tahay caa’ilad adduunka oo dhami ictiraafsan yahay, isla-markaana gacanta shisheeye ee soo dhex gasha la jari doono.

Wuxuu ka dhawaajiyay in Somaliland aan loo baqanayn oo ay ciidan ahaan iyo dal ahaanba dhisan tahay, cida tuurtuuraysa ee waxka sheegaysaana tahay cid barwaaqadeeda ka xun, layskana celin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here