Askari Ka Tirsanaa Ciidamada Booliska oo Lagu Dilay Hargeysa

0
2097
dil-ka-dhacay-hargeysa

Hargeysa (Hargeisa Press) – Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa saaka dil loogu gaystay bartamaha magaalada Hargeysa, sida ay xaqiijiyeen Ciidanka Booliska.

Askarigan oo ahaa dable ka tirsan Ciidamada Booliska, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cadnaan Axmed Cabdi, iyadoona uu dilka u gaystay nin magaciisa lagu sheegay Sakariye Maxamed Aadan.

Wararka, ayaa waxaa ay sheegayaan in gacan ku dhiigle Sakariye Maxamed Aadan uu dilka Askarigan u adeegsaday Tooray uu kaga dhuftay laabta.

Gacan ku dhiig laha, ayaa la sheegay inuu ahaa budhcad aalaaba caadaystay dhaca Moobilada iyo jidgoyada Dadka, waxaana gacan ku dhiig luhu wakhtiga askarigaasi tooreyda ku dhuftay uu ku jiray hawlgal iyo shaqo oo uu ku soo qabanayay eedaysanhan oo mobile ka qaaday dad shacab ah isaga iyo  koox la socday.

Eedaysanaha, ayaa markii uu falka geystay isku dayay inuu baxsado balse Ciidanka Booliska, ayaa la sheegay inay markiiba gacanta ku soo dhigeen,  iyadoona lagu wareejiyay ciidanka Dambi-baadhista ee (C I D).

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa si adag uga hadlay dilkan loo gaystay Askarigaasi ka tirsanaa Ciidanka, waxaanay sheegeen in gacan ku dhiig laha ay u gudbin doonaan Xeerilaalinta iyo Maxakamada si ay waajibaadkooda qaran uga gutaan.

Si kastaba, dhacdadan ma aha mid ugub ku ah Somaliland, waxaana dhowr jeer magaalooyinka waa weyn ee Somaliland ka dhacay dilalka loo gaysto saraakiisha ciidamada, kuwaas oo gacan ku dhiiglayaasha qaarkood la xidhay, kuwa kalena lagu ridday xukuno adag oo dil ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here