Somaliland: Amal Bank oo Afur u qaybiyay dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa + SAWIRRO

0
839

Hargeysa,(HargeisaPress)– Baninga caalamiga ah ee Amal Bank ayaa maanta markale Afur u qaybiyay dadweynaha ku dhaqan magaaladda Hargeysa.

“Ka Amal Bangi ahaan waxaanu wadanay baryahan , barnaamij Afurin ah oo aanu siinayno dadka dan yarta ah ku dhaqan magaaladda Hargeysa.”Khaalid xaaji Aadan Maamulaha Suuqgeynta iyo barnaamijka My Cash ee Bangiga Amal.

“Barnaamijka Afurka oo ay fuliyaan Baninga caalamiga ah ee Amal Bank ah waa mid sanad kasta marka la gaadho bisha Ramadaan waxaa laga afuriyaa dadka danyarta ah ee ku kala nool Magaalada Hargeysa ayuu yidhi.

Khaalid xaaji Aadan Maamulaha Suuqgeynta iyo barnaamijka My Cash ee Bangiga Amal., waxa kaloo uu baaq u diray dadka tujaarta ah iyo kuwa wax haysta in ay ka soo qayb qaataan caawinta walaalahoodda baahan.

Waxaan ku baraarujinayaa dadka khayrka jecel inay ka qayb qaataan afurrinta walaalahoodda baahan”.

Geesta kale qaar ka mid ahaa dadkii danyarta ahaa ee afurka la gaadhsiiyay ayaa shirkada uga mahad celiyay Afurka ay soo gaadhsiiyeen.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here