SOLJA oo Boorama ku qabatey kulan lagu gorfeynayay Maareynta Aafooyinka Dabiiciga

0
627

Boorama (Hargeisa Press)- Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa waxaa ay maanta magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ku qabteen kulan lagu gorfeynayay Maareynta Aafooyinka Dabiiciga ah.

Kulankaas oo ay ka faaii’daysanayeen 35 xubnood oo ka kala socda Warbaahinta Gobolka Awdal, Dawlada Hoose ee Degmada Boorama, Ururrada Rayidka ah iyo Ardayda Jaamacada Camuud.

Waxaana kulanka diirada lagu saaray sidii loo midayn lahaa xogta la xidhiidha Isbedelka Cimilada iyo sidii xog suggan loo gaadhsiin lahaa bulshada marka ay masiibooyinka dabiibiga ah dhacaan.

Kulankan, ayaa waxaa uu qayb ka yahay tababro xidhiidh ah oo lagu kobcinayo aqoonta Saxafiyiinta ee Gobolka Awdal.

Kulanka, ayaa waxaa furitaankiisii goobjoog u ahaa Duqa degmada Boorama Maxamuud Sheekh Ibraahim, Xildhibaano heer deegaan ah, isuduweha Wasaaradaha Degaanka & Isbedelka Cimilada, Agaasimaha ururka SOLJA Axmed Ismaaciil iyo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ee gobolka Awdal Suxufi Ishqi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here