Washington (HP): Gudoomiyihii hore ee xisbiga Waddani ee Maraykanka, Siyaasi Ibraahim Aadan Aw Qoobey ayaa taageeray furista urursada siyaasada iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalkan Somaliland.
Waxaanu xisbiyada siyaasadana ku dhaliilay ina aanay hor istaagi karin furista ururada siyaasada, isagoo isla markaasina sharaxay xeerka furista ururada siyaasada iyo siyaabaha lagu furi karo.
Siyaasi Ibraahim Aadan Aw Qoobey oo sharaxaadiisa sii watay ayaa faahfaahin ka bixiyay xeerkan layidhaahdo xeer number 14.
Siyaasi Ibraahim Aadan Aw Qoobey oo waraysi uu siiyey Bulsho Tv, kaga waramay arimahan iyo guud ahaan xiisada siyaasadeed ee haatan ka taagan dalka.
Geesta kale siyaasi Ibraahim Aadan Aw Qoobey oo sharaxaadii xeerka ururada sii wada, isla markaasina dul-istaagaya ubuc-da saldhiga u ah halkan hadda muranka siyaasiga ah ee baahsani ka jiro.
Siyaasi Ibraahim Aadan Aw Qoobey oo sidoo kale ka hadlaayey, soo celintii Madaxweynaha ee xeerkan ururada.
Dhinaca kale siyaasi Ibraahim Aaadan Aw Qoobey oo sidoo kale ka hadlaayey saska iyo qaylada ay ka muujiyeen xisbiyada mucaaradku furista ururada siyaasada.
DAAWO: Waraysigaasi:
https://youtu.be/sBruM8nf-l4
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.