Sirdoonka Somaliland oo qabtay rag ka tirsan Al-Shabaab

0
5387

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA, ayaa waxaa ay shaacisay in ay gacanta ku dhigtay rag argagixiso ah oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Hay’adda, ayaa waxaa ay sheegtay inay qabtay laba nin oo ka tirsan xarakada Al-shaababa, kuwaasi oo ku hawlanaa carqaladaynta doorashooyinka dalka.

Ragan la qabtay ayay Hay’adda Sirdoonku sheegtay in tababar lagu siiyey Jilib isla-markaana ay hore uga soo dagaalameen Soomaaliya iyaga oo hore u weeraray Saldhigyo dalka Uganda ku leeyihiin Soomaaliya

Hay’adda, ayaa sheegtay in labadan nin ee ka tirsan Al-Shabaab la qabtay 16 September 2024, balse Hay’addu ma aanay shaacin halka lagu qabtay ragan.

Maaha markii u horeysay ee ciidanka Sirdoonka Somaliland ay qabtaan, isla markaasina baahiyaan xubno ka mid ah xarakada Al-shababa, balse had iyo jeer waxa ay ku hawlan yihiin sugid amniga iyo ilaalinta cadawga dibada iyo gudahaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here