MAXAA KA QALDANAA XAFLADDII BANDHIGGA BUUGGA GEES.
”Protocol of Honour” Dal waliba waxa uu leeyahay hab-maamuus u gaar ah, kaas oo ixtraam iyo mudnaan kala duwan siiya hay’aadka qaranka, iyo masuulliyiinta dawladda. Somaliland hab-maamuuska sharafka ah ee aan ahayn kan awaamiirriga ah amma xukunka ku sal leh waxa ay ku caddaysay qodobka 93 aad ee dastuurka qaranka. Waxa mudnaanta iyo hab-maamuuska loo kala leeyahay Madaxtooyo, Gole Guurti iyo Gole Wakiillo, amma Madaxweynaha, ku xigeenkiisa oo hal kudlad isla ah, Guddoomiyaha Guurtida iyo Guddoomiyaha Wakiillada oo ah kan saddexaad. Maamuuska noocan ah ee uu dastuurku ka hadlayo waa ka qaranka ee dawliga ah (Special Courtesy). Waana in madasha ay ku kulmaan sida tan ay u kala mudan yihiin loo kala maamuuso. Tusaale ahaan sida ay xafladda u soo kala hor marayaan haddii dhammaantood ay casuuman yihiin, goobbaha ay kala fadhiisannayaan, sida ay iskugu xigayaan, hadalka sida ay ugu kala horraynayaan iyo sida ay hadhow u kala hor baxayaan (Precedence of Etiquette).
Ammuurtani waa sharafka qaranka iyo haybadda umadda, waxa ay tusaysaa dawladnimadu qiyamka ay ku dhisan tahay iyo sida qarankaasi hab maamulkiisa uga run sheeggayo. Iyada oo la tixraacayo sharciga dalka, waxa habboon in xafladdaha iyo munaasibaddaha dawliga ah ee ammuuraha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha laga ga hadlayo lagu fadhiisiyo sharciga qaranka. Arrintaasi waa arrin dawli ah, waana in ay noqoto mid hay’aadka qaranka ee dawliga ah mar walba ka dhex fusha. Hab-maamuuska noocan oo kale ahi ma yahay mid ay tahay in uu meel walba ka fulo, mise waa mid ku eg, haybadda dawladnimo iyo nidaamkeeda maamuusiga ah? Su’aasha noocaas ahi in ay dad badan maskaxdooda ka dhex guuxayso ayaa laga yaabaa. Waxa aan jeclaysta in aan arrintaa ka jawaabbo oo aan faahfaahin kooban ka bixiyo.Waxa jira in masuulliyiinta qaranka xafladdo gaar ah iyo munaasibaddo aan dawli ahayn oo cid kale lagu maamuusayo lagu soo casuumo. Munaasibaddahaasi ma aha kuwa heer qaran ah, waa qaar heer bulsho, urur, koox amma shakhsi u abaabullan. Cidda munaasibaddahaa loo qabtay ayaa leh sharafta koowaad ee maamuuska.
Ammuurta noocan oo kale ah hab-maamuuska dawliga ahi waa uu ka hadlay. Waxa la yidhaa ”Private Awestruck/Dignitary”. Tusaale ahaan xafladdii bandhigga buugga Maxamed Siciid Gees waxa sharafta ugu koraysa iska leh qoraha buugga, sharafka labaad waxa iska leh ciddii maal-galisay, sharafta saddexaad waxa iska leh shirkadda daabacaadda buugga sameysay, halka sharafka afraad uu leeyahay qofka buugga bandhigaya oo ah qof soo akhriyey oo gudbinnaya nuxurka buugga. Dhammaan dadka la soo casuumay ee kale waxa la yidhaa ”Special Guests” waa marti khaas u ah bandhigga buugga. Dadka madaxda ah ee casuumadda ku jira gaar ahaan xubnaha dawladda iyo axsaabta qaranka waxa la yidhaa ”Dignified Guests”. Dadkaasi ma kala sitaan magacyo kala duwan, dhammaantoodna waa marti, waxana ay fadhiisannayaan safka hore ee martida ma aha maritida horteeda (Panel). Dadka xafladdaa ku jira haddii uu Madaxweynuhu ku jiro, waxa uu galayaa liiska ”Dignified Guests”. Haddii uu qudbad ku leeyahay waxa ay noqonneysaa ”Panjandrum Speech” amma qudbad qof awood iyo sharaf leh oo saameyn togan ku leh bandhigga buugga.
Laakiin ma noqonnayo qofka ugu danbeeya ee hadla, qofka ugu danbeeya ee hadlayaa waa qoraha buugga oo ay ka horreynayaan cidda maal-galisay buugga iyo shirkadda daabacday oo kalmado xog warran iyo mahadnaq ah ku leh. Sidoo kale waxa dadka soo hor fadhiisanaya (Panel) kaliya qoraha buugga, hal qof oo ka socda shirkadda daabacday buugga, cidda maal-galisay iyo qofka bandhiggaya buugga oo ah qofka buugga soo akhriyey. Panel kii xalay waxa iska lahaa Maxamed Siciid Gees, Maxamed Baashe Xaaji Xasan Saeed Ahmed Cabdirisaaq Rakuub, Xamda Maxamed Xuseen Cigaal Xuseen-Mahdi Xasan, Ahmed Duale, Shirkaddii daabacday iyo xubno loo soo xulay in ay gacan ka gaystaan kaliya. Sidoo kale hadalka mudnaantiisana iyaga ayaa laha. Martida kale oo dhan oo ay ku jiraan xubnaha dawladdu cidda hadlaysaa waxa fadhigoodu ahaa kuraasta hore ee martida madasha.
Nasiib-darro se xalay munaasibaddii buugga lagu soo bandhigay waxa ay inna tusaysaa sida aynnu uga aradannahay hab-maamuuska munaasibaddaha noocan oo kale ah. Gees oo ah qorihii buugga waxa aad moodaysay qof marti ah, waxa ay ahayd in isaga marti loo ahaado, dadkii maal-galiyey meesha kama aysan muuqan, doorkii shirkadda daabacday ma ay muuqan waxa na ay dadkaasi dhammaantood dhex fadhiyeen martida, halkii iyaga marti loo noqon lahaa. Waxa aan arkayey dad ka hadlaya Muuse iyo Cirro ayaa la kala horreysiiyey. Iyaga oo ujeeda in Cirro yahay ninka saddexaad ee qaranka oo ay ahayd in isaga loo gu danbeysiiyo, arrintaasi wax macno ah sameyn mayso goobtuna ma aha goob siyaasaddeed amma hawl qaran laga ga hadlayo. Waxa ay ahayd goob aqoonneed oo buug lagu soo bandhiggayo. Qaladka ugu weyn iyo fool-xumada madasha ka muuqtayna waxa uu ahaa ka aan kor ku xusay ee ah in martiqaadayaashii iyo martidii la iska hor iyo daba keenay mudnaantii madashana la garawsan kari waayey.
Wax yaabaha mucjisada ah ee aad Somaliland ku arkayso wax ka mid ah xafladdaha qalin-jabbinta jaamacaddaha oo Madaxweynaha Panel ka la soo fadhiisinnayo. Ardayda qalin-jabbisay ayaa iska leh Panel ka iyo halka sare. Martidu waxa ay fadhiisaneysaa halka loo gu talo galey. Madaxweynuhu inkasta oo ay qariib tahay in uu xaflad qalin-jabbin ah yimaado, marka se ay dhacdo waa in uu dhex fadhiisto dadka isaga oo kursiga hore la fadhiisinayo. Sidaa se waa ay ka beddelan tahay oo goobtu waxa ay noqotaa goob suuq gayn oo kale. Madaxweynaha na waxa ay jaamacaddu ka dhigataa xayeysiis. Waxa aan jeclaan lahaa in sidaa ciddii ay ka daahan tahay ay u fahamto marka hore, ee aaney isku qasin sharafka guud ee qaranka iyo haybad maamuuska xubnaha hoggaanka dawladda iyo miisaanka ay ku yeelanayaan xafladdaha ashkhaastu leedahay ee bandhigyada buuggaagta, qalin-jabbinta jaamacaddaha i.w.m.
Dimuqraadiyadda iyo caqliga xorta ahi waa in uu inna baro goobaha iyo madasha casuumaddu ta ay tahay, cidda leh iyo sida loo kala mudan yahay. Markaa haddii Muuse ku horreeyo iyo haddii uu ku danbeeyo ma aha goobtu goob ”Protocol of Honour” ka socdo. Waa hawl khusaysa marti galiye iyo la marti galiye. Fadlan sharafta guud ee ummadnimada iyada oo la ilaalinayo waxa habboon in munaasibaddaha qaranka iyo kuwa bulshada la kala saarro.
Mohamed Hagi Mohamoud
The University of Warwick
Department of Politics and International Studies
Coventry, West Midlands, United Kingdom
m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedhagi@gmx.co.uk