Hargaysa (HP): Shirweynihii labaad ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyey Huteelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa.
Waxaana lagu doortay hoggaanka cusub ee xisbigaas hogaamin doona shanta sannadood ee soo socda, iyadoo jagadaasina loo doortay Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Ergooyinkii shirweynahaasi joogay ayaa guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee shanta sanadood ee soo socda u doortay Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ay u codeeyeen 1225 ergay, halka ay diideen 9 xubnood, 3 Kalena ay ka aamuseen.
Sidoo kale, waxa shirweynahan lagu doortay lix guddoomiye ku-xigeen oo xisbigaasi yeelan doono kuwaadi oo kala ah Milgo Maxamed Cilmi, Abubakar Cabdiraxmaan Good, Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje), Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeye), Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac, Xuseen Cabdi Boos.
Waxa kaloo shirweynuhu doortay xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, oo xilkaas dib loogu doortay, halka Xoghaye ku-xigeenka WADDANI loo doortay Jamaal Jaamac Xaamud.
Shirweynaha labaad ee xisbiga WADDANI Waxa kaloo lagu ansixiyey wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka xisbigaasi, waxaana ogolaaday wax ka beddelkaas 1210 ergay, waxaana diiday 8 xubnood, waxana ka aamusay 3 xubnood.
Guddoomiyaha cusub ee xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ergada shirweynaha uga mahadceliyey kalsoonida ay siiyeen.
Waxaanu Xirsi Cali Xaaji Xasan, balan-qaaday inuu si daacadnimo ah ugu adeegi doono midnimada iyo wadajirka xisbigaas.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.