Shirweynaha Warbaahinta Somaliland oo baaq loogu-jeediyay Xukuumadda, Xisbiyada iyo Qaramada Midoobay

0
1785

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shirweynaha qaran ee Warbaahinta Somaliland oo ka socday magaalada Hargeysa, ayaa waxaa si rasmi ah loogu soo gabogabeeyey caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Shirweynaha, ayaa intii uu socday lagu gorfeeyey xaaladaha kala duwan ee ay waajahayaan Suxufiyiinta Somaliland, kuwaas oo isugu jiray saamaynta ay ku yeelatay warbaahinta casriga ah ee baraha bulshada, isbedelka cimilada iyo qaabka ay uga hawl galayaan Doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyadda iyo xisbiyada, una muddaysan 13 November 2024.

Waxaana shirweynaha qaran ee Warbaahinta dalka Somaliland laga soo saaray qodobo ka kooban todoban.

War-murtiyeedka shirka, ayaa baaq xaasaasi ah loogu jeediyay xisbiyada qaranka, Ururrada Siyaasadda iyo guud ahaanba daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland.

Sidoo kale, waxaa shirweynaha baaq culus loogu jeediyay hay’adda caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha cimilada iyo degaanka.

Shirweynaha, ayaa dhinaca kale baaq loogu jeediyay golaha Wasiirrada Somaliland, iyadoona uu shirku ka codsaday dhammaystirka wax ka beddelka iyo kaabista xeerka saxaafadda Somaliland, kaasi oo golaha horyaala.

Hoos ka akhriso qodobada laga soo saaray shirka

1. Shirweynaha Saxaafadda Somaliland waxa uu xaqiiqsaday baahida loo qabo in saxaafaddu masuuliyad iyo dhexdhexaadnimo muujiso muddada lagu jiro arrimaha doorashooyinka Somaliland.

2. Shirku waxa uu soo jeediyey in ay Suxufiyiinta Somaliland fursad u helaan wararka iyo wacyigalinta Doorashada, kana qayb ahaadaan tallaabo kasta oo ay qaadayaan Daneeyayaaasha doorashooyinku muddada Doorashadu socoto.

3. Shirweynaha saxaafadda Somaliland waxa uu xisbiyada qaranka, Ururrada Siyaasadda iyo guud ahaanba daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland ugu baaqayaa in ay si dhaw ula shaqeeyaan warbaahinta Somaliland si looga wada shaqeeyo sidii doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen si nabadgelyo ah oo xor iyo xalaal ah.

4. Shirweynuhu waxa uu guud ahaan Suxufiyiinta ugu baaqay inay Aqoontooda kor u qaadaan kana faa’iidaystaan tiknoolajiyada casriga ah ee ay warbaahinta dunidu u guurtay si ay uga fogaadaan wararka been abuurka ah ee loo adeegsado barnaamiyada kala duwan ee baraha bulshada lagu faafiyo.

5. Shirweynuhu waxa uu aqoonsaday doorka muhiimka ah ee ay hablaha suxufiyiinta ahi ku leeyihiin casriyeynta iyo horumarinta warbaahinta Somaliland, waxaanu ku baaqayaa in laga wada shaqeeyo sidii meesha looga saari lahaa dhammaanba caqabadaha kala duwan ee haysta haweenka warbaahinta ku jira.

6. Shirweynuhu waxa garwaaqsan-yahay baahida loo qabo dhammaystirka wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka saxaafadda Somaliland oo hadda horyaala Golaha Wasiirrada Somaliland, waxaanu ku baaqayaa in la soo dedejiyo ansixinta xeerkaasi oo saxaafad ahaan iyo dal ahaanba baahida weyn xiligan loo qabo.

7. Shirku waxa uu aqoonsaday in isbeddelka cimiladu tahay xaqiiqo jirta, sidaa darteedna warbaahinta Somaliland ay muhiim tahay inay door weyn ka qaadato sidii bulshada loo fahamsiin lahaa dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.

8. Shirweynaha saxaafadda Somaliland waxa uu ugu baaqayaa Hay’adaha kala duwan ee dawliga ah iyo Wasaaradaha ku shaqada leh arrimaha degaanka, beeraha iyo ka hortaga khatahaha masiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhasha isbeddelka cimilada inay saxaafadda si buuxda ugala shaqeeyaan xogsiinta iyo macluumaadyada la xidhiidha isbeddelka cimilada ee ay tahay in bulshada loo gudbiyo.

9. Shirweynaha saxaafadda Somaliland waxa uu Hay’adda caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha cimilada iyo degaanka uu ka codsanayaa inay saxaafadda Somaliland ka taageeraan tababarada iyo xogsiinta bahda warbaahinta Somaliland.

10. Ugu danbayn Shirweynuhu waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa suxufiyiintii sannadkan 2024 ku guulaystay abaalmarinta Cawke award oo 10 weriye ahaa iyo guud ahaanba suxufiyiinta kale ee tartankaasi ka qaybgalay, balse aannu nasiibku siinin guusha, waxaanu shirweynuhu dhammaantood u rajaynaynaa guul iyo horumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here