Shirweynaha qaran ee Warbaahinta Somaliland oo ka qabsoomaya magaalada Hargeysa

0
1082

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shirweynaha qaran ee Warbaahinta dalka Somaliland, ayaa la filayaa in Khamiista toddobaadkan uu ka qabsoomo caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Shirkan warbaahinta dalka oo ay soo qaban-qaabiyaan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland iyo ururka suxufiyiinta ee SOLJA, ayaa lagu falaanqeynayaa xaaladda Warbaahinta dalka iyo caqabadaha ku gedaaman.

Waxaa shirka ka qayb gala masuuliyiinta xukuumadda ugu sareysa, madaxda wasaaradda Warfaafinta, ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, siyaasiyiin, aqoonyahan, khubaro ku xeeldheer arrimaha saxaafadda iyo wariyeyaasha dalka.

Sidoo kale, shirweynaha, ayaa waxaa ku lamaan abaalmarinta Cawke, taasi oo uu sannad walba qabto ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, iyadoo sannadkan si la mid ah sanadihii hore ay suxufiyiinta Somaliland ku tartamaan abaalmarinta.

Hadaba, shirweynaha qaran ee Warbaahinta Somaliland oo 10-ka bishan la qabanayo, ayaa si qoto dheer loogu falaanqeyn doonaa, horumarrada ay gaadhay Saxaafadda Somaliland sannadihii u dambeeyey iyo caqabadaha weli jira ee u baahan inay xal ka wada gaadhaan dowladda iyo Saxaafadduba, iyo weliba xadgudubyada xadhiga ee ay waajahaan saxafiyiintu.

Mid ka mida caqabadaha jira oo doodaddaha shirarkii hore ku soo noqnoqday ayaa ah in sifo sharci-darro ah lagu xidho Wariyeyaasha.

Doodahaasi ku soo noqnoqday shirarkii hore, ayaa ahaa in qaybo ka mida qalabka Warbaahintu hoos u sii dhacayaan, loona baahan yahay in la tayeeyo, si aan mustawahoodu u lumin, iyadoona ay khubarada ku xeeldheer warbaahinta ay xuseen in shaqada Saxaafaddu 2030-ka ay ka mid noqonayso shaqooyinka saaxada ka baxaya, isla-markaana loo baahan yahay in laga fekero sidii xal lagu ilaalin lahaa.

Waxaa sidoo kale inta uu shirku socdo lagu falanqayn doonaa heerka ay Warbaahinta Somaliland xilligan marayso iyo toobiyaha ay ku socoto.

Shirkan, ayaa waxaa lagu wadaa in gunnaanadkiisa laga soo saari doono war-murtiyeed ku saabsan waxyaabaha lagu gorfeeyo muddada uu socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here