Shirkadda Telesom oo Guddida Ka Hortagga Covid19 Ku Wareejisay Deeq dhan $840,000.

0
1653

Hargeisa (Hargeisa Press) – Shirkadda Telesom ayaa maanta Guddida Ka Hortagga Covid19 Ku Wareejisay $840,000 oo isugu jira $640,000 qalabka xanuunka lagula tacaalo iyo $200,000 oo kaash ah  oo loogu talo galay qoysaska danyarta ah ee uu saameeyey xanuunka Covid19.

Shirkadda ayaa deeqdan kaga dhawaaqday shir jaraa’id oo ay maanta [Axad] ka dhacay madaxtooyadda Somaliland.

Dhaqaalaha Guud ee Shirkada Telesom kaga qayb qaadanayso hawlgalka la dagaalanka Xannuunka Coronavirus ayaa dhan $840,000.00 (Siddeed boqol iyo afartan kun oo dollar).

Lacagtani oo ah ay shirkada Telesom kaga qeyb qaadanayso qaadhaanka ka hortaga Xanuunka Covid19 ayey sheegeen inay 640,000.00(Lix boqol iyo afartan kun oo doollar) oo kamida lacagtaasi ay kusoo iibiyeen qalab, Sidoo kalena waxay Guddida ku wareejiyeen 200,000.00 (Laba boqol oo kun oo doollar) oo Jeeg ah ay ku wareejiyeen guddida.

Sheekh Cabdinaasir Aadan Nuur oo ka mid aha Saraakiisha sare ee Shirkadda Telesom ayaa sheegay in Shirkadani iyadoo u adeegaysa ummadeeda ay go’aansatay sidii ay kaalinteeda uga qaadan lahayd dagaalka lagula Jiro xannuunka Covid19 waxaanu xusay in iyagoo ka Jawaabaya Baaqii guddida ka hortaga iyo u diyaar garowga Xannuunka Coronavirus ay maanta ku wareejiyeen lacag dhan 200 oo kun oo dollar oo Kaash ah una dhiganta 400 oo Kun oo qoys raashinkood iyo Qalab caafimaad oo muhiim ah una dhigma 640 Kun oo dollar kaas oo wax weyn ka taraya xaaladan lagu jiro.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi ayaa Shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom uga Mahadnaqay Kaalmadan wax ku oolka ah ee ay soo Gaadhsiiyeen Guddida heer qaran ee ka hortaga iyo u diyaar garowga xannuunka Covid19 waxaanu wasiirku sheegay in Shirkada Telesom ay muujisay Xilkasnimo iyo waddaninimo dheeraad ah Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku waxa uu halkaas ka sheegay Deeqdan Shirkada Telesom ay soo gaadhsiisay Guddida heer qaran oo ka Kooban 20 Kun oo Xabo oo qalabka shaybaadhka dhakhsaha ah, 500 oo xabo oo ah Qalabka lagu eego xumada qofka kuwaas oo baahi weyn loo qabo wakhtigan, 5 Kun oo xabo oo ah Qalabka Gafuur xidhka ee dhakhaatiirtu isticimaalaan, 2 Kun oo xabo oo ah Dharka lagaga gaashaanto faafitaanka xannuunka Covid19 ee ay isticimaalaan shaqaalaha caafimaadku, 13 Xabo oo Mishiinada Neefsashada qaybta ka qaata oo laba nooc ka kooban, Iyo agab kale.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Gudoomiyaha Guddida ka hortaga Xanuunka Covid19 Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo Gunaanadkii Munaasibadaas ka hadlay ayaa Mahadcelin balaadhan u diray Shirkada Telesom oo markasta oo xaaladi dalka ku timaado kaalin muuqata ka ciyaarta waxa uu Madaxweyne ku xigeenka JSL sheegay in qalabkan ay ka gudoomeen shirkada Telesom uu wax weyn ka tari doono sidii uu uga gudbi lahaa xaalada uu ku jiro.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here