Shirkada Telesom Mar labaad Deeq Lacageed ah Ku Wareejisay Gudida Gurmadka Abaaraha Somaliland

0
1022

HARGEISA , (HargeisaPress) — Shirkada caalamiga ah ee Telesom ayaa deeqdii labaad gudoosiisay gudida abaaraha ee dhawaan uu magacaabay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo. Munaasibad wareejinta ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyadda Somaliland maalinimadii khamiista.

 

Deeqdan  lacageed ayaa dhamayd $50,000 (Konton kun) oo doolar, taasi oo noqonaysa deeqdii labaad ee ay shirkada Telesom soo gaadhsiiso gudida abaaraha.

54096c5d-c282-4b2a-9946-ad1bcd13f81a

Munaasibada ay shirkada Telesom deeqdan ku gudoon siinaysay guddida abaaraha ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay maamulaha qaybta isgaadhsiinta Telesom Group Ciise Maxamuud Faarax , waxaanu faahfaahin ka bixiyay waxa ay deeqdu tahay “Halkan waxaanu  gudida abaaraha ku gudoonsiinaynaa markii labaad lacag cadadkeedu dhanyahay $50,000 (kontan kun)  oo doolar oo aanu ugu deeqnay abaaraha dalka kajira darteed, markii aanu baaqa guddida abaaraha dhagaysanay dhibaatada taagan iyo dareenka gudidana aanu aad warkeeda uhelnay ayaanu go’aansanay in aanu deeqdii labaad soo gaadhsiino gudida. Markii hore ee abaaraha la soo sheegayna waxaanu bixinay kontan kun oo doolar ($50,000) marlabaadkii oo imika ahna waaxaanu halkan ku bixinaynaa $50,000 (kontan kun ) oo doolar anagoo gobolada qaar ay dhibaatadu ka jirtana aanu si gaara aanu wax ugu bixinay oonu gacan ka gaysanay , insha Allaahu tacaalaa waxaanu rajaynaynaa oonu ilaahay ka baryaynaa in ilaahau inaga dulqaado dhibaatadaa caamka ah ee ina haysata”, sidaasi waxaa yidhi maamulaha qaybta isgaadhsiinta Telesom Ciise Maxamud Faarax.

e7352e10-0bc2-41c4-8997-493ea95c2515

Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ah gudoomiye ku-xigeenka Guddida Gurmaddka Abaarah  ayaa ka gudoomay shirkada caalamiga ah ee Telesom deeqdan isagoo shirkada Telesomna uga mahadceliyay deeqdan ay ugu deeqeen dadka ay abaaruhu saameeyeen, waxaanu yidhi, “Telesom runtii waa lagu bartay markay arintu atkaato inay dadaal caynkaasi oo kale ah ay sameeyaan , ilaahayna wuu usikhiray, bkahaylku markuu wax bixinayo birbaa ku xidhanta oo gacanta jeebka ma gaadhsiin karo , qofka faxalka ahna ilaahaybaa ufurfura, faxal nimadii ayaa Telesom usii furfurmaysa ilaahayna haka abaaliyo, waxaa ay bixeyeena ilaahay ha siiyo ciwadkeeda oo barakaysan oo balaadhan”, sidaasi waxaa yidhi Sh. Xasan Cabdisalaan.

 

Waxaa iyagun ka hadlay munaasibada lacagta lagu wareejinayay Sheekh Ciise Maxamuud iyo xoghayaha golaha wasiirada Somaliland Sharmaarke .

43a86c61-c26a-473e-b564-83b90c109310

Shirkada  Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa door weyn ka qaadata horumarinta arimaha bulshadda waxaanu kaalinta koowaad ka qaadataa qaadhaanadda baahiyaha bulshadda lagu wax laga qabanaayo.  Guud ahaan shirkadda Telesom ayaa qaadhan abaaraha kaga qayb-qaadatay lacag dhan $110,000.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here