Gabiley,(HargeisaPress)– Magaalada Gabiley ayaa maanta martigelisay kulan muhiim ah oo ah Shirka Guddiga Hogaaminta ee Barnaamijka SUIDA, kaas oo lagu eegayey heerarka uu marayo barnaamijku, qorshayaasha mustaqbalka, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha fulinta bulshada Gabiley Iyo Borama.
Kulankan waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin heer qaran iyo heer gobol ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Maayarka Gabiley, Maayarka Borama, Badhasaabka Gobolka Gabiley, Agaasimayaal ka socda Wasaaradda Dawladaha Hoose Iyo Wasaaradda Dib u Dejinta & Barakacayaasha, Agaasimaha Ururka Dawladaha Hoose ee ALGASL, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley, Iyo masuuliyiin ka socda hay’adaha caalamiga ah ee Cities Alliance Iyo UNOPS.
Maayarka Gabiley, khudbaddii uu ka jeediyey kulanka isagoo ka warbixinaya muhiimadda barnaamijka, wuxuu yidhi:
Barnaamijkani waa guul weyn oo taariikh u noqon doobta magaalada Gabiley. Tani waxay ina tusaysaa in marka Dawladda Hoose , Bulshadda, Iyo Hay’adaha caalamiga ahi iska kaashadaan, la gaadhi karo natiijooyin muuqda oo waara.
Dhankiisa, Maayarka Borama ayaa sheegay:
Borama Iyo Gabiley waxa ay wadaagaan himilooyin ku saabsan horumarinta magaalooyinka, kobaca dhaqaalaha, iyo ka mid noqoshada Magaalooyin La Majeerto xaga Horumarka, Iskaashigan waa mid jiilasha dambe u horseedi doona nolol wanaagsan.
Badhasaabka Gobolka Gabiley ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimada barnaamijkan u leeyahay bulshada, isaga oo yidhi:
Waxaan ka shaqayn doonaa sidii barnaamijkani ay uga faa’iidi lahaayeen bulshada Gabiley, isla markaana u noqon lahaa mid wax ka beddela noloshooda
Wakiillada UNOPS iyo Cities Alliance ayaa iyaguna ku celiyey ballanqaadkooda ku aaddan taageerada barnaamijka. Wakiilada ayaa xusay:
Mudnaanteennu waa in aan xaqiijino in barnaamijkani noqdo mid waara, loo dhan yahay, oo bulshada si dhab ah u taabanaya.
Kulanka waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Hay’adda Cities Alliance, UNOPS, Dawladda Hoose Gabiley, Dawladda Hoose Borama, iyo Hay’adda Taakulo.



































